Al-Shabaab oo markii labaad weerar xooggan ku qaaday deegaanka Xawaadley.

0
20

Aroornimadii hore ee saakay, Al-Shabaab ayaa  weerar khasaara dhaliyay ku qaaday saldhig ciidamada dowladda ay ku leeyihiin deegaanka Xawaadley ee gobolka Sh/dhexe.

Kooxda Alshabab ayaa sheegatay in 21 askari oo ay ku jiraan saraakiil ciidan lagu dilay weerarka.

Warar madax banaan oo xaqiijinaya sheegashada Al-Shabaab ayaan wali la helin sababo la xiriira isgaarsiintii deegaanka oo hawada ka baxay, taasoo la rumeysan yahay in Alshabaab ay si bareer ah u jartay ka hor weerarka.

Al-Shabaab ayaa sidoo kale sheegtay in ay gacanta ku dhigeen askar, islamarkaana ay qaateen agab ciidan iyo  hub. Hase yeeshee ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay dowladda Federaalka oo ku aaddan dhacdadan.

Weerarkan ayaa imaanaya ku dhawaad labo sano kadib weerar midkan lamid ah oo bishii Janaayo ee 2023 ka dhacay deegaanka Xawaadley, oo hoostaga degmada Balcad.

Weerarkaas ayaa waxaa ku dhintay Gaashaanle Sare Abshir Maxamuud Maxamed (Shataqeey) oo ahaa Taliyihii Qeybta 3-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Saraakiil kale oo sarsare.

Shataqeey wuxuu kamid ahaa  saraakiil badan oo lagu waayey tan iyo markii uu bilowday dagaalka ka dhanka ah Alshabaab ee uu ku dhawaaqay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here