Dowladda Ingiriiska ayaa mar kale cusboonaysiisay digniinta safarka ee ay ka bixiso Soomaaliya, iyada oo muwaadiniinteeda uga digtay khataraha amni ee ka jira guud ahaan Soomaaliya iyo qaybo kamid ah Somaliland.
Warbixin ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Ingiriiska (FCDO) ayaa lagu sheegay in dowladda UK ay mamnuucday dhammaan safarrada lagu tagayo Soomaaliya oo dhan, oo ay ku jiraan gobollada bari ee Somaliland ee Togdheer, Sanaag iyo Sool, sababo la xidhiidha khataraha kooxaha argagixisada iyo rabshado laga yaabo in ay ka dhacaan.
FCDO waxay sheegtay in qof kasta oo doorta inuu sii joogo Soomaaliya uu isagu is dabaro khatarta jirta awgeed, isla markaana looga baahan yahay inuu yeesho qorshe degdeg ah oo aanu ku tiirsanaan dowladda UK.
Dhanka kale, dowladda Ingiriiska ayaa sheegtay inay oggoshay oo keliya safarrada muhiimka ah ee lagu tagayo gobollada galbeedka Somaliland ee Awdal, Maroodi-jeex iyo Saaxil, kuwaas oo ay ku jiraan magaalooyinka Boorama, Hargeysa iyo Berbera.
Warbixinta ayaa sidoo kale xustay in dagaallada u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Al-Shabaab ay kordheen, gaar ahaan deegaanada ku dhow magaalada Muqdisho.
FCDO waxay si gaar ah uga digtay dabaal-degyada 18-ka May ee Somaliland, iyadoo sheegtay in maalmahaas laga yaabo inay kordhaan isu-soo-baxyada waaweyn, dhaqdhaqaaqyada ciidamada amniga iyo rasaasta dabaal-degga ah ee laga rido magaalooyinka.
“Goobaha dadku ku badan yihiin taxaddar dheeraad ah ka muujiya, isla markaana raaca tilmaamaha maamulka maxalliga ah,” ayay warbixintu ku talisay.
Dowladda Ingiriiska ayaa sidoo kale sheegtay in taageerada qunsuliyadeed ee ay ka bixin karto Soomaaliya iyo Somaliland ay aad u xaddidan tahay, iyadoo aanay jirin shaqaale si toos ah uga hawlgala safaaradda Muqdisho ama xafiiska Hargeysa.
Muwaadiniinta British-ka ah ee jooga Somaliland una baahan gargaar degdeg ah ayaa lagu wargeliyay inay la xidhiidhaan Safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa, Itoobiya, halka kuwa jooga Soomaaliya inteeda kale lagu amray inay la xidhiidhaan Xarunta Sare ee Ingiriiska ee Nairobi, Kenya.
FCDO waxay intaas ku dartay in dadka asal ahaan kasoo jeeda Soomaaliya oo Somaliland ku jirto ee haysta dhalashada Ingiriiska loo aqoonsan karo laba-dhalasho, taas oo yareyn karta heerka taageerada qunsuliyadeed ee ay heli karaan.
Warbixinta ayaa ugu dambayn dadka qorsheynaya safarka ku boorrisay inay qaataan caymis safar oo dhameystiran, islamarkaana si taxaddar leh u qiimeeyaan xaaladaha amni ee goobaha ay booqanayaan.



