Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed ayaa walaac xooggan ka muujiyay sii socoshada xarigga Sacdiya Macallin Cali, oo muddo ka badan bil ku xiran Xabsiga Dhexe ee Muqdisho iyadoo aan weli si rasmi ah dacwad loogu soo oogin.
War-saxaafadeed uu guddigu soo saaray ayaa lagu sheegay in guddigu 29-kii Abriil booqasho ku tagay Xabsiga Dhexe si uu ugu kuurgalo xaaladda xabsiga iyo duruufaha ay ku sugan tahay Sacdiya.
Guddiga ayaa sheegay inuu la kulmay masuuliyiinta Ciidanka Asluubta, maamulka xabsiga, Sacdiya lafteeda iyo qareenkeeda, si uu xog uga helo xaaladdeeda sharci iyo mid bani’aadannimo.
Sida lagu xusay war-saxaafadeedkii Xafiiska Xeer Ilaalinta Qaranka ee 6-dii Maajo, Sacdiya waxaa loo haystaa eedeymo la xiriira sumcad-dilid iyo kicin bulsho, Hase yeeshee, guddigu wuxuu tilmaamay in aan wali maxkamad la horgeyn, isla markaana aan la muddeyn dhageysiga dacwadeeda, arrintaas oo uu ku tilmaamay mid ka hor imaan karta xaqa garsoor caddaaladeed.
Sacdiya ayaa guddiga u sheegtay inay xabsiga kala kulantay dhibaatooyin ay ka mid yihiin cabsi gelin, cunto yari, ciriiri, nadaafad xumo iyo xaddidaad lagu sameeyay booqashooyinka qoyskeeda.
Guddigu wuxuu sheegay inuusan si madax-bannaan u xaqiijin karin eedeymahaas, balse uu ku baaqay baaritaan hufan oo arrinta lagu sameeyo.
Guddoomiyaha Guddiga Madaxa-bannaan ee Xuquuqul Insaanka Qaranka Soomaaliyeed, Dr. Maryam Qaasim, ayaa sheegtay in xariggu uusan qofka ka qaadeyn xuquuqdiisa aas-aasiga ah.
“Qof kasta oo xiran wuxuu weli xaq u leeyahay karaamo, in loola dhaqmo si bani’aadannimo leh, inuu helo daryeel caafimaad iyo ilaalin sharci oo buuxda,” ayay tiri.
Guddiga ayaa ugu dambeyn ugu baaqay hay’adaha dowladda inay dedejiyaan hanaanka garsoorka, isla markaana si buuxda loo ilaaliyo xuquuqda maxaabiista, gaar ahaan kuwa aan weli maxkamad la horgeyn.




