Xabad joojin nabadeed oo laga gaaray colaad maalmihii ugu dambeeyay ka taagnayd Waqooyiga Mudug.

0
13

Xabbad joojin nabadeed ayaa laga gaaray colaad maalmihii ugu dambeeysay ka taagnayd deegaanka Xarfo (Buuryaqab) ee waqooyiga gobolka Mudug, halkaas oo ay maleyshiyaad kasooo kala jeeda labo beelood diriri ku dhexmartay.

Wafti ka socday maamulka Puntland, guddiga dhex-dhexaadinta beelaha, iyo odayaasha labada dhinac, ayaa ku guulaystay in labada dhinac lag qanciyo inay qaataan nabadda.

Heshiiska xabbad joojinta ayaa diiradda lagu saaray dhowr qodob oo loogu talagalay xasilinta amniga iyo bilowga wada hadallo nabadeed.

Labada dhinac ayaa si rasmi ah u aqbalay inay joojiyaan dagaalka oo aanay jiri doonin wax weerar ah midna. Sidoo kale dhammaan ciidan beeleedkii ku sugnaa Xarfo ayaa la isla qaatay in lagu raro goobo cayiman, halka magaalada aan hub lala soo geli karin ama lagula dhex wareegi karin.

Waxaa lagu heshiiyay darafka jebiya xabad-joojinta in lagu ganaaxi doonaa $20,000 (labaatan kun oo dollar), waxaana sidoo kale loo raaciyay mas’uuliyadda khasaaraha ka dhasha jebintaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here