Home WARARKA Isu socodka Gaadiidka Dadweynaha Kenya oo u joogsaday qiima-kororka shidaalka

Isu socodka Gaadiidka Dadweynaha Kenya oo u joogsaday qiima-kororka shidaalka

6
0

Kumanaan qof ayaa saakay u lugeeyay goobaha Shaqo, Ganacsi, Waxbarasho iyo meelaha kale ee danaha gaarka ah ay ka leeyihiin ee Dalka Kenya kaddib markii shaqo joojin ay ku dhaqaaqeen wadayaasha Gaadiidka oo ka cabanaya qiima-kororka shidaalka.

Dadkaan oo lugayanaya ayaa lagu arkay waddooyinka waa wayn ee Kenya, waxa ay qaarkood Dowladda ku dhaliileen in ay ka gaabisay ka jawaabista cabashada ka timid Gaadiidleyda oo ah in la saldhigo Siyaasadda lagu xakamaynayo qiimaha Shidaalka.

Waddooyinka Dadka lagu arkay iyaga oo lugaynaya waxaa kamid ah Thika Road, Waiyaki Way, Jogoo Road, Mombasa Road & Outer Ring Road, dadkaan oo ku qasban in ay gaaraan danahooda gaarka ah iyo shaqooyinka ayaa lugaynaya.

Guddiga ay ku midaysan yihiin Gaadiidleyda Kenya ayaa sheegay in ay shaqo joojintu sii socon doonta ilaa inta Dowladda ka saldhigayso qiimaha Shidaalka, waxa uu Shacabka ugu baaqay in ay dhankooda culayska ka saaraan Xukuumadda.

Goobaha laga raro Gaadiidka ee sida joogtada ah Dadweynaha isugu tago waa kuwo dad badan ay joogaan iyada oo aanay jirin wax gaari ah oo halkaas yaalla ama yimid, dadka qaar ayaa go’aansaday in ay cagahooda maalaan halka qaar kale ay weli rajo qabaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here