Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa toogasho ku dilay labo nin oo looga shakiyay in ay ka tirsan yihiin Al-Shabaab, kaddib israsaaseyn kooban oo Arbacadii ka dhacday magaalada Muqdisho, sida ay sheegeen saraakiisha. Inta la xaqiijiyay hal askari ayaa ku dhaawacmay israsaaseyntaasi, halka qof rayid ah uu sidoo kale ku dhintay rasaastaasi.
Is-rasaaseynta ayaa ka dhacday Xaafadda Gubta, kadib markii labada maleeshiyo ee hubeysan ay damceen in ay weerar gaadmo ah ku qaadaan Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya oo fariisin ku lahaa xaafaddaasi, sida ay sheegeen Taliska Booliska Soomaaliyeed. Askarta ayaa rasaas ku furay, iyadoo ay dileen labadii nin ee dilka geystay.
“Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa saldhiga degmada Deyniile ayaa agagaarka Garaashka Gubta ku soo afjaray labo nin oo hubeysnaa oo ka tirsanaa Al-Shabaab. Maleeshiyada ayaa isku hawlaneyd oo meesha laga saaray iyagoo isku dayaya inay dilaan askar ka tirsan booliska. Hal askari ayaa dhaawac soo gaaray balse si guul ah ayuu u fashiliyay weerarka,” ayaa lagu yiri qoraalka.
Maamulka ayaa sheegay in hubkii ay wateen laga soo furtay dagaalyahanadii la dilay, waxaana socda baaritaan lagu ogaanayo in ay xiriir la leeyihiin weeraro kale oo qorsheysan.
Weerarkan ayaa kusoo beegmaya xilli ay magaalada Muqdisho ka socdaan howlgalo lagu xaqiijinayo ammaanka, iyadoo mas’uuliyiinta maamulka ay sare u qaadeen howlgallada ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah, iyadoo dhawaanahan ay kusoo badanayeen dilalka iyo qaraxyada. Iyadoo ay jiraan tallaabooyinkan, kooxdu waxay sii wadaysaa khatarta, gaar ahaan caasimadda iyo xarumaha kale ee magaalooyinka.
Saraakiisha ammaanka ayaa dadka ku booriyay inay feejignaadaan oo ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo ay ka shakiyaan, iyadoo maamulka uu ku howlan yahay ka hortagga weeraro kale.
Kooxda Al-Shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacidda ayaa inta badan ka fulisa Muqdisho dilal qorsheysan iyo qaraxyo ay la beegsato ciidamada dowladda Soomaaliya, kuwa dowladda iyo dadka rayidka ah. Kooxdan xagjirka ah ayaa muddo toban sano ah waday kacdoon ka dhan ah dowladda Soomaaliya ee caalamku aqoonsan yahay.