Home WARARKA Uganda oo joojisay isu gudubka ay la wadaagto DR Congo si ay...

Uganda oo joojisay isu gudubka ay la wadaagto DR Congo si ay uga hortagto cudurka Ebola

6
0

Dowladda Uganda ayaa qaadday tallaabooyin ay ku joojisay Duullimaadkii diyaaradaha ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo si ay uga hortago cudurka Ebola oo qaybo kamid ah Dalkaas ka dillaacay sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Dowladdaas.

Sidoo kale Uganda ayaa xayirtay safarka dhinaca Gaadiidka Dadweynaha, Doomaha iyo wax weliba oo is dhexgal ahaa oo ay la wadaagaysay Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo muddo 4 todobaad ah oo si loo qiimeyo faafitaanka iyo kahortagga Cudurk Ebola.

Inkasta oo Waddanka Uganda qudheeda qaybo kamid ah laga helay cudurka halista ah ee Ebola balse waxa ay samaysay qorshe ay ku xakamayneyso si ay uga hortago faafitaankiisa maadaama khatartiisu ay aad u badan tahay.

Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Congo ayaa dagaal culus kula jirta cudurka Ebola oo Dad badan ka dilay Dalkaas, xaaladda ayaa gaartay heer Xulka Qaranka Dalkaas eek a qaybgalaya Koobka Adduunka 2026 laga joojiyo tababarkooda is diyaarinta ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here