Home WARARKA Ciidan taabacsan Laftagareen oo xalay weeraray Baydhabo iyo K/Galbeed oo War ka...

Ciidan taabacsan Laftagareen oo xalay weeraray Baydhabo iyo K/Galbeed oo War ka soo saaray Dagaalkaas

3
0

Xaaladda amni ee magaalada Baydhabo oo ah xarunta gobolka Bay ayaa gashay marxalad cusub oo kacsanaan ah, kadib markii dagaal culus uu xalay ka dhacay xaafadda Barwaaqo ee magaalada Baydhabo i, taasoo sare u qaaday walaaca laga qabo in xiisadda siyaasadeed iyo tan militari ee ka taagan Koonfur Galbeed ay isu beddesho colaado ballaaran.

Ciidamo daacad u ah madaxweynihii hore ee Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa weerar kedis ah ku qaaday saldhig ay ku sugnaayeen ciidamo dhawaan laga keebay magaalada Muqdisho oo taabacsan DFS.

Ciidamada cusub ayaa maalmihii lasoo dhaafay Waxay la wareegayeen fariisimo muhiim ah oo kuyaalla Baydhabo, arrintaas oo sii kordhisay xiisadda siyaasadeed iyo tan amni ee magaalada Baydhabo.

Labada dhinac ayaa waxay isku adeegsadeen rasaas culus iyo hub kala duwan, iyadoo dhawaaqa rasaasta si weyn looga maqlayay qaybo badan oo magaalada ah. Iska horimaadka ayaa socday ku dhawaad 15 daqiiqo, waxaana uu cabsi iyo argagax xooggan ku abuuray shacabka, kuwaas oo qaarkood guryahooda ku xanibmay halka kuwo kalena ay bilaabeen inay ka cararaan goobaha dagaalka ka dhow.

War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Amniga Gudaha Koonfur Galbeed ayaa lagu sheegay in ciidamada maamulka ay iska caabiyeen weerarkaasi, isla markaana ay gaarsiiyeen kooxdii weerarka soo qaaday “jab xooggan.” Dowladda KGS waxay sidoo kale sheegtay in ciidamada ammaanka ay dileen tiro ka mid ah maleeshiyaadkii weerarka soo qaaday, halka kuwa kalena ay dhaawacyo soo gaareen.

Dagaalka ayaa sare u qaaday walaaca laga qabo xaaladda amni ee Baydhabo, oo ah xarunta ku meel gaarka ah ee maamulka Koonfur Galbeed. Magaalada ayaa muddooyinkii dambe wajahaysay xiisado siyaasadeed iyo kuwo amni oo ka dhashay khilaafaad gudaha ah, muran la xiriira awood qeybsiga, iyo dhaq-dhaqaaqyo hubeysan oo mararka qaar ka dhaca duleedyada magaalada.

War-saxaafadeedka wasaaradda ayaa sidoo kale lagu sheegay in ciidamada ammaanka ay wadaan howlgallo lagu baadi-goobayo kooxihii weerarka soo qaaday, iyadoo shacabka loogu baaqay inay la shaqeeyaan hay’adaha amniga. Dowladda KGS waxay ku adkeysatay in aysan oggolaan doonin wax kasta oo qalqal gelin kara amniga magaalada Baydhabo iyo deegaannada kale ee maamulkaasi.

Khilaafka siyaasadeed ee gudaha Koonfur Galbeed ayaa muddo dheer soo jiitamayay, waxaana marar badan soo baxay eedeymo ku saabsan in kooxaha mucaaradka lagu tilmaamo “argagixiso” ama “Al-Shabaab” si loo wiiqo taageeradooda siyaasadeed. Arrintaasi ayaa sii adkeynaysa fahamka saxda ah ee colaadaha ka dhacaya Baydhabo iyo cidda dhab ahaan ku lug leh dagaallada soo noqnoqda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here