Taageerayaasha Kooxda Kubadda Cagta ee Manchester United ayaa bannaanka soo dhigay ceebaha kusoo baxay Garoonka Kooxdaas ee Old Trafford kaddib markii ay cabasho ka gudbiyeen Doolli ama jiir lagu arkay qaybo kala duwan.
Qaar kamid ah Taageerayaasha Kooxda Manchester United ayaa sheegay in muddo ay u adkeysanayeen doolligaan balse ugu dambeyn ay go’aansadeen in ay la wadaagaan Maamulka sare iyo Hay’adaha shaqadoodu tahay.
Arrintaan ayaa dhalisay fadeexo xoojisay ashtako uu horay ku dhex sheegay Wareysi uu bixiyay Cristiano Ronaldo oo mar wax laga weydiiyay isbaddelkii uu ku arkay dib ugu laabashadiisa iyo joogitaankii hore ee Kooxdiisa ku xusay in dhanka Nadaafadda aad u liidato.
Dhowaan Macallinka cusub ee kooxda Manchester United waa Ruben Amorim ayaa la arkay isaga oo Warbaahinta la hadlaya in sanqafka kore ay kasoo hoortay xareedda Roobka ka da’ay magaaladaan Roobku ku badan yahay.
Kooxda Manchester United ayaa la dhibaateysan kasoo kabashada dhibaatooyinka dhanka guulaha ah iyo in ay soo gasho afarta koox ugu sarreysa Horyaalka, waxaa taageerayaasha ugu sii darsamay Sanqafka oo aan roobka ka celineen iyo Doolliga badan ee nadaafad darrada ka dhashay.