Home WARARKA Madaxweynaha Somaliland Jabuuti iyo Soomaaliya waxa aan u sheegaya in ay ixtiraamaan...

Madaxweynaha Somaliland Jabuuti iyo Soomaaliya waxa aan u sheegaya in ay ixtiraamaan nabada iyo daris wanaaga

5
0

Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay in Somaliland ay wajahayso cadaawad iyo faragelin uga imanaysa dalal deris ah, isaga oo si gaar ah ugu baaqay dowladaha Jabuuti iyo Soomaaliya inay ixtiraamaan deris wanaagga iyo nabadda gobolka.

Madaxweyne Cirro oo hadal ka jeediyay munaasabada Ciidda ayaa sheegay in siyaasadda arrimaha dibadda Somaliland ay ku dhisan tahay nabad ku wada noolaansho, iskaashi iyo is-ixtiraam ay la yeelato dalalka jaarka la ah.

“Dalal badan ayaa Somaliland u muujiyay cadaawad, balse annagu wax dhibaato ah uma geysan. Siyaasaddeennu waxay ku dhisan tahay deris wanaag iyo nabad,” ayuu yiri Madaxweyne Cirro.

Waxa uu sheegay in faragelin badan lagu hayo Somaliland, balse ay leedahay awood iyo waayo-aragnimo ay iskaga difaacdo cid kasta oo ku xadgudubta amnigeeda iyo jiritaankeeda.

“Jabuuti iyo Soomaaliya waxa aanu u sheegaynaa inay ixtiraamaan nabadda iyo deris wanaagga dowladaha jaarka ah. Somaliland xaq ayay u leedahay inay iska difaacdo faragelinta lagu hayo,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha Somaliland ayaa sidoo kale sheegay in guud ahaan Somaliland ay tahay meel nabdoon, isaga oo shacabka ugu baaqay inay ilaashadaan xasilloonida iyo wadajirka bulshada.

Xiriirka u dhexeeya Somaliland iyo Jabuuti ayaa muddooyinkii u dambeeyay sii xumaanayay, kadib markii Somaliland ay xiriir diblomaasiyadeed la yeelatay Israa’iil. Dowladda Soomaaliya iyo dowlado badan oo Islaam iyo Afrikaan ah ayaa si adag u cambaareeyay xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo lidi ku ah mowqifyada caalamka Islaamka iyo Afrika ee ku aaddan jiritaanka dowladaha Soomaaliya iyo Falastiin.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here