Home WARARKA Puntland: Qofkii ku hara goobaha dagaalka Calmiskaad waxaa loo aqoonsan doonaa argagixiso

Puntland: Qofkii ku hara goobaha dagaalka Calmiskaad waxaa loo aqoonsan doonaa argagixiso

5
0

Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee Baarlamaanka Puntland, Maxamed Baari Shire, ayaa ugu baaqay dadka reer miyiga ah ee ku nool deegaanka Calmiskaad inay muddo shan maalmood gudahood ah uga baxaan goobaha ay ka socdaan howlgalada ka dhanka ah kooxda Daacish.

Guddoomiye ku xigeenka ayaa sheegay in cid kasta oo ku sii nagaata deegaanada uu dagaalku ka socdo, wixii ka dambeeya muddadaasi, loo aqoonsan doono inay la shaqeynayso kooxaha “argagixisada”, isagoo xusay in ciidamada ammaanka Puntland ay sii xoojin doonaan howlgalada ka socda buuraha Calmiskaad.

“Dadka deegaanka waxaan ugu baaqayaa inay kasoo guuraan goobaha dagaalku ka socdo inta uu socdo howlgalka. Qofkii ku haraya halkaas wixii ka dambeeya muddada shanta cisho ah, waxaa loo aqoonsan doonaa argagixiso,” ayuu yiri guddoomiye ku xigeenka.

Sidoo kale, wuxuu farriin u diray nabaddoonada iyo bulshada deegaanka, isagoo ugu baaqay inay ciidamada kala shaqeeyaan soo saarista dadka uu sheegay inay gabaad ka dhigteen buuraha Calmiskaad.

Maxamed Baari Shire ayaa sheegay in maalin kasta ay dhacaan weerarro iyo falal amni darro oo saameyn ku leh shacabka Calmiskaad isagoo tusaale u soo qaatay xoolo laga dhacay qaar kamid ah dadka reer miyiga ah. Wuxuu xusay in aan la aqbali karin in dad rayid ah ay sii joogaan goob dagaal culus ka socdo.

Guddoomiye Baarri ayaa sidoo kale sheegay in ciidamada Puntland ay sii laba jibbaarayaan howlgalada militari, isagoo tilmaamay inay jiraan khasaarooyin iyo dhacdooyin amni darro oo ka dhacay deegaanka muddadii u dambeysay.

Hadalka guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Puntland ayaa kusoo beegmaya maalmo kaddib markii qoys reer miyi ah lagu duqeeyay deegaanno ka tirsan buuraha Calmiskaad, halkaas oo ay ku dhinteen hooyo xaamilo ahayd iyo saddex carruur ah oo ay dhashay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here