Booliiska Morocco ee u qaabilsan la dagaallanka argagixisada ayaa Khamiistii shaaciyay inay fashiliyeen qorshe “lagu beegsan lahaa goobo ammaan,” ayaga oo xiray afar qof oo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin kooxda Daacish ee ka dagaallanta Sahel.
Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday xog ku saabsan jihaadiyiin badan oo u dhashay Morocco oo u safray Soomaaliya.
Habboub Cherkaoui, oo ah madaxa Xafiiska Dhexe ee Baaritaannada Garsoorka, oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Sale, ayaa sheegay in hawlgalkani uu ka hortagay “qorshe argagixiso oo khatar ah.”
Afarta eedeysane, oo dhammaantood u dhalatay Morocco, saddex ka mid ahna ay walaalo ahaayeen, ayaa Axaddii lagu soo qabtay Had Soualem, oo ku dhow Casablanca, sida lagu xusay war-saxaafadeed ay hore u soo saareen booliisku.
Cherkaoui waxa uu intaa ku daray in kooxdu ay horay u duubtay bayaan ay ku sheeganayaan mas’uuliyadda weerarrada la qorsheeyay, iyagoo adeegsanaya walxaha qarxa.
Baaritaannada dambe ayaa daaha ka rogay in bartilmaameedyadoodu ahaayeen “goobo muhiim ah oo ammaan ah, suuq weyn, iyo goobo kale oo dadweyne” oo ay si joogta ah u booqdaan dadka reer Morocco iyo ajaaniibta, ayuu yiri.
Sida ay sheegayaan baaritaanno hordhac ah, mas’uuliyiinta Morocco waxay aaminsan yihiin in eedeysanayaashu ay xiriir toos ah la lahaayeen hoggaamiye ka tirsan Daacish oo ku sugan Sahel, kaas oo soo askareeyay oo ku indha-sarcaadiyay iyaga oo adeegsanaya baraha isgaarsiinta.
Waxa uu intaa ku daray in da’doodu ay u dhaxaysay 26 ilaa 35 sano, isla markaana ay haysteen “shaqooyin dakhligoodu yar yahay.”
Cherkaoui waxa uu xusay in kooxaha jihaadiga ah ee ka jira Afrika ay “khatar dhab ah ku yihiin boqortooyada.”
Waxa uu tilmaamay in 130 muwaadin oo Moroccan ah ay u safreen goobaha dagaalka jihaadiga ah ee Soomaaliya iyo Sahel tan iyo dabayaaqadii 2022.
Hadalkan ayaa imanaya ayada oo dhowaan dagaalkii Daacish iyo ciidamada Puntland ee gobolka Bari lagu dilay dagaal-yahano badan oo ajnabi ah oo ka soo jeeda dalal Carbeed oo kala duwan.
“Intooda badan waxa ay doonayeen in ay ballaariyaan hawlgallada kooxahooda gudaha boqortooyada,” ayuu raaciyay Cherkaoui, isaga oo ka hadlayey Moroccan-ka u safray Soomaaliya.
In kasta oo dalka Morocco uu inta badan ka fogaaday rabshadaha jihaadiga ah sannadihii ugu dambeeyay, ciidamada amniga ee Morocco ayaa si joogta ah u soo sheega xarigyo iyo fashilinta qorshayaasha weerar.