Xildhibaan Abdi-Malik Abdalla oo ka mid ah Barlamaankii waqtiga ka dhamaaday ee Soomaaliya ayaa hore u yiri “ Marar badan Waxaa la sheegaa in Soomaaliya ay dalal kale walaalo la tahay, balse cid kale walaal lama ahan ee danteeda ayay walaal la tahay”
Waa hadal xaqiiqo ah balse dadku aanu dareen buuxa u yeelan waxaasa tegi doontaa maalin soomaalida xoog iyo xeelad isugu geynayso sidee daneestaha isaga dul qaadnaa.
Turkigu muddo 15 sano ah ayuu joogaa Soomaaliya, hase yeeshee ma jiro horumar muuqda oo uu ka sameeyay howlaha loo igmaday ee la xiriira horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, caafimaadka, waxbarashada iyo dhismaha ciidan Soomaaliyeed oo la wareega amniga dalka.
Gaabiskaas hagar Iyo ku-danaysi miduu doono haka yimaadee, waxa layaab ah in ay jiraan manad-sheegasho dhinac socota oo ku saabsan kaalmo iyo taageero Soomaaliya la siiyo, iyadoo isla waqtigaas laga faa’iidaysanayo khayraadka iyo dhaqaalaha dalka, arrintaas isla xisaabtan ayay ku leedahay, shacabka soomaaliyeedna Waa in uu isweydiiyaan shan Iyo toban sano wax la qaban karay sideen uga fiirsanaa 20 sano kale intaanu nagu dul noolaan nimaan nolol kuu ogoleen.
Ilaha dhaqaalaha sida dekedaha iyo garoomada diyaaradaha wax horumar ah lagama sameyn, mana jiro maamul iyo dhaqaale la taaban karo oo Soomaaliya ka faa’iidday.
Xarumihii caafimaadka waxaa laga dhigay goobo ganacsi, waxana shacabka Soomaaliyeed loo sheegaa in adeeg caafimaad dalkooda lagu caawinayo, balse xaqiiqadu aysan sidaas ahayn.
Dhanka waxbarashada, waxaa muuqata in lagu dadaalayo faafinta nidaamka, aragtida iyo dhaqanka Turkiga, halka aysan jirin nidaam dowladeed iyo aqoonyahanno Soomaaliyeed oo qorshahaas si dhab ah uga hortaga.
Ciidamada dalka muddo 15 sano ah ayaa tababaro loogu sameynayay gudaha iyo dibadda, balse weli ma jiro ciidan awood u leh inuu dalka si buuxda u xoreeyo dalka, xaaladda amni waxay taagantahay maalintii Turkigu yimid, tababar aan tallaba soo kordhin.
Waana arin mudan in shacabka soomaaliyeed su’aal iska waydiiyaan mudadaas wax wayn ayaa dalkaan lagu soo kordhin karay ee halkee ayay salaadu isku qaban ladahay.
1-Maxay tahay sababta kobac dhaqaale oo muuqda, loo arki waayay Dekada Iyo Airport?
2-Maxaa koror shaqo abuur xarumahaasi looga arki waayay?
3-Maxay aqoon-kororsi iyo tababaro waxtar leh oo shacabka Soomaaliyeed u siin waayeen.
5-Sidoo kale maxaa looga dhaxli waayey hannaan maamul iyo maareyn ku shaqeysano .
6-maxay ciidamadeenu ugu filnaan waayeen amniga dalka,?
Soomaaliya kuma sii jiri karto saaxiibtinimo dano gaara ku dhisan, shacabka Soomaaliyeedna uma adkeysan doonaan dowlado danohooda gaarka ah ka hormariya maslaxadda dalka iyo dadka.



