Qaabkee loo qabtay dadkii ku edeysanaa dilkii ka dhacay Ceel-baraf.

0
13

Ciidamada ammaanka dowladda Soomaaliya ayaa gacanta ku soo dhigay labo eedeysane oo ku lug lahaa dilkii 26-kii bishan December lagu dilay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ka dhacay agagaarka deegaanka Ceel-baraf, sida uu sheegay guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Maxamuud Maxamed Nuur. Guddoomiye Nuure oo la hadlay Radio Muqdisho ayaa xaqiijiyay in ciidamada ammaanka ay si weyn u baadigoobayaan wali tuhmanayaasha weerarka lagu dilay.

Dhinaca kale 14 qof oo uu ku jiro gudoomiyihii degmada Ceelbaraf Yuusuf Xasan ayaa xabsiga loo taxaabay kadib markii ay ku guuldareysteen inay qaadaan tillaabooyin ku filan oo looga hortagayo weerarka. Warbaahinta dowladda ayaa sheegtay in shaqsiyaadka la xiray lagu eedeeyay dayacaad iyo waxqabad la’aan, taasi oo la sheegay inay u ogolaatay maleeshiyaad hubeysan inay weerar dhaba gal ah ku qaadaan ciidamada Soomaaliya.

Dhacdadii ka dhacday deegaanka Ceel-baraf ayaa noqotay mid soo jiidatay dad badan, iyadoo madaxda Soomaaliya ay ku nuuxnuuxsadeen in loo baahan yahay isla xisaabtan iyo cadaalad deg deg ah. Guddoomiyaha Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa ku celiyay sida ay dowladda uga go’an tahay sugidda amniga shacabkeeda iyo ilaalinta sharciga.

Baaritaanada ayaa socda, iyadoo ciidamada ammaanka ay xoojiyeen dadaalada ay ku doonayaan inay ku soo qabtaan dhammaan shaqsiyaadka ku lugta leh weerarka.

Dowladda Federaalka ayaa ugu baaqday maamulada deegaanka iyo dadka deegaanka in ay la shaqeeyaan baaritaanada socda si loo soo celiyo amniga loogana hortago dhacdooyinka noocaan oo kale ah mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here