Home WARARKA Qarax Miino Nooca dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay Magaalada Jowhar

Qarax Miino Nooca dhulka lagu aaso ah oo ka dhacay Magaalada Jowhar

3
0

Qarax ayaa ka dhacay Magaalada Jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-Shabeelle,Qaraxa ayaa ahaa miino nooca dhulka lagu aaso, kaas oo siweyn looga maqlay inta badan Xaafadaha Magaalada Jowhar.

Qaraxaan ayaa ka dhacay goob ay ku dabaal-dagayeen Ardayda fasalka 8-aad oo maanta uu usoo idilaay imtixaanka shahaadiga ah.

Weli sirasmi ah looma shaacin khasaaraha ka dhashay qaraxa, waxana goobta howlo baaritaano ah ka Sameeyay Ciidamada Amniga, kuwaas oo dadka u diidaya inay goobta u dhawaadaan.

Magaalada Jowhar ayaa waxaa kusoo badanayay maalmihii la soo dhaafay miinooyinka dhulka lagu aaso waloow qasaarahooda yaraa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here