Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ” Waa inaan matalaad 21 mudane ku yeelanaa Aqalka sare”

0
3

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa maanta ka qeyb galay shir wadatashi ah oo looga hadlayay wax ka bedelka Dastuurka dalka, kaasi oo diiradda lagu saarayay cutubyada 5-aad ilaa 9-aad ee Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya.

Gudoomiye Amiir waxa uu sheegay in Dastuurkaan uu Maamulka Gobolka Banaadir ka leeyahay doonis siyaasadeed oo waafaqsan baahida shacabka ku nool magaalada Muqdisho, waxaa uu sheegay in ay maqan yihiin maqaamkii Caasimadda iyo matalaadii Gobolka Banaadir ay ku lahayd Baarlamaanka Soomaaliya.

“Rabitaanka iyo doonista siyaasadeed ee bulshada Gobolka Banaadir ee la xiriirta Maqaamka iyo Matalaadda waa in Magaalada Muqdisho ay noqoto Maamul Dowlad Goboleed buuxa ah, sidoo kalena ay ugu yaraan Aqalka sare ku yeelato kuraas matalaadeed oo dhan 21 Sanatar” ayuu yiri Duqa Magaalada Muqdisho.

Wuxuu ku nuux-nuux saday in dadka reer Banaadir ay doonayaan in Muqdisho ay noqoto maamul buuxa oo qeyb ka noqda Dowlad Goboleedya hoos yimaada Dowladda Federaalka ah, ugu yaraan 21 Senator ay ku leeyihiin Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

“Waxaan idinka rajeenayaa Xamar oo aad wada joogtaan inaad u hiilisaan, waayo waa magaalo lawada leeyahay, Qof kasta Muwaadin Soomaaliyeed ah Caasimadiisa waa Muqdisho, waxaan ka codsanayaa Madaxweynaha Soomaaliya, Ra’iisul wasaarihiisa inay meel saaraan matalaadda Caasimadda Muqdisho” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir.

Duqa Gobolka Banaadir ayaa ku dheeraaday muhiimadda dhameystirka Dastuurka u leeyahay  qaranka, wuxuuna kula dardaarmay hay’adaha dastuuriga ah inay tixgeliyaan rabitaanka shacabka Banaadir.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay warbixin ku saabsan qoraalka qabyo qoraalka ah ee wax ka bedelka dastuurka, kaasoo loo gudbin doono Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si ay u ansixiyaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here