Ciidamada Ammaanka Puntland oo howlgal ku qab-qabtay 7-qof oo looga shakisan yahay Daacish

0
4

Ciidamada ammaanka Puntland ayaa howlgal ballaaran oo ay sameeyeen habeenimadii Khamiista waxa ay ku soo qab qabteen ugu yaraan 7 qof oo looga shakisan yahay in ay xiriir la leeyihiin kooxda argagixisada ah ee Daacish. Sida laga soo xigtay ilo ka tirsan booliska, dadka la soo qabtay qaarkood ayaa horey loo baadi goobayay, iyadoo maamulka uu horey u hayay xogo la xiriira dhaq dhaqaaqooda.

Howlgalka ayaa waxa uu ka dhacay meel aan la shaacin oo ka tirsan Puntland
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in shaqsiyaadka la qabtay la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen dhaq dhaqaaqyo lala xiriirinayo Daacish, inkastoo ay socdaan baaritaano dheeri ah oo lagu ogaanayo inta uu la egyahay ku lug lahaanshaha lagu eedeeyay.

Bilihii la soo dhaafay, Puntland ayaa howlgalada ka dhanka ah argagixisada waxa ay guulo ka gaartay xoreynta deegaano ay gacanta ku hayeen maleeshiyaadkooda, islamarkaana ay ka takhaluseen boqolaal.

Daacish iyo kooxaha kale ee xagjirka ah, ayaa isku dayay inay fariisimo ka sameystaan ​​Somaliya, gaar ahaan dhulka buuraleyda ah ee Puntland. Ciidamada ammaanka ee gobolka ayaa si firfircoon u beegsanayay kooxahan si ay uga hortagaan is ballaarintooda.

Maamulka ayaan weli soo bandhigin magacyada eedeysanayaasha la xiray, mana cadda in ay wajihi doonaan eedeymo degdeg ah iyo in su’aalo kale la weydiin doono. Laamaha ammaanka Puntland ayaa shacabka ugu baaqay inay feejignaan muujiyaan, isla markaana ay soo sheegaan dhaqdhaqaaq kasta oo ay ka shakiyaan oo halis gelin kara xasiloonida gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here