Ra’iisul Wasaare hore ee soomaaliya oo sheegay inuu madaxda dalka uu la xisaabtami doono

0
4

Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo la hadlaayay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Koonfur Afrika ayaa sheegay in ay run ahayd dhibaatadii ka qabsatay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee looga carqaladeeyay inay helaan isaga iyo wafdigiisa warqadda habraaca ee dalabka visaha dal ku galka dalka Koonfur Afrika.

Rooble waxa uu xusay in muddo 20 maalmood ah ay u xayirnaayeen dalabkii ay u gudbiyeen Safaaradda Soomaaliya ee Kenya ayna keentay xitaa inay qaar kamid ah wafdigii raaci lahaa ay ka haraan safarka.

“Madaxda dalka waan kula xisaabtami doonaa markaan dib ugu laabto Soomaaliya, waxaana qaadi doonaa tallaabo dhibka aan kala kulanay Wasaaradda” ayuu yiri Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa horey u beenisay wararka la isla dhexmaarayay ee baraha Bulshada lagu hadal haayay ee ahaa in Ra’iisul Wasaarihii hore Rooble loo diiday dalabka Visa ha dal ku galka Dalka Koonfur Afrika, waxeena ku tilmaamtay mid been abuur ah.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalim Fiqi ayaa u sheegay todobaadkii hore in Dowladda si faah faahsan ay uga jawaabi doonto markii Ra’iisul Wasaare Rooble uu isaga Afkiisa ka qiro ama uu ku beeniyo balse Fiqi ayaa soo hadal qaaday in warqad baraha bulshada la wareejinayay uu ku sheegay in Rooble aan loodiidin dalabkii usoo gudbiyay 1dii Bishaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here