Madaxweyne Xasan Sheekh iyo Wafdi uu hoggaaminaayo oo gaaray magaalada Tripoli ee dalka Libiya

0
5

Madaxweynaha dowadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran oo uu hoggaaminaayay ayaa xalay si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Tripoli ee caasimadda dalka Liibiya.

Socdaalka madaxweynaha iyo wafdigiisa ay ku tageen magaalada Tripoli ayaa ah mid la xariirta booqasho rasmi ah oo lagu xoojinayo xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Libiya.

“Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay Tripoli, waxa uu kulan la qaadan doonaa Hoggaamiyaha Golaha Sare ee dalkan Mudane Maxamed Al-Manfi oo ay ka wada hadlayaan xaaladda gobolka iyo danaha wadajirka ah ee ka dhexeeya labada dal” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in labada madaxweyne ayaa ka wada hadli doonaan horumarinta iskaashiga dhinacyada amniga, siyaasadda, la dagaalanka tahriibta iyo dhamaystirka soo celinta dhalinyarada Soomaaliyeed ee xaaladaha adag ay ku wajahaya xabsiyada ku yaala dalka Libiya.

Ugu dambeyntii madaxweynaha Soomaaliya ayaa si weyn uga mahadceliyey soo dhaweynta dowladda iyo shacabka dalka Libiya u sameeyeen iyi sida ay uga go’an tahay xoojinta xiriirka soo jireenka ah ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Libiya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here