Maamulka Puntland ayaa taageero siinaya macawisleyda iska abaabulay deegaannadii laga saaray kooxda Daacish ee buuraha Calmiskaad.
Afhayeenka howlgalka ka dhanka ah Daacish, Gen. Maxamuud Faadhigo, ayaa sheegay in macawisleyda oo ah xoolo-dhaqato deegaanka ah ay dhibaato xooggan kala kulmi jireen kooxda Daacish, kuwaas oo xoolahooda ka dhici jirtay.
Gen. Faadhigo ayaa xusay in maamulka Puntland uu taageero ka geysan doono difaaca macawisleyda si ay deegaannadooda uga ilaashadaan kooxaha argagixisada ah, maaddaama aysan suurtagal ahayn in ciidamada dowladda ay joogaan dhammaan deegaannada Daacish laga saaray.
Waxaa la filayaa in macawisleydu ay door weyn ka ciyaaraan sugidda amniga deegaannadooda, iyagoo kaashanaya ciidamada maamulka Puntland, sida uu sheegay afhayeenka howlgalka Daacish.
Warkan ayaa kusoo beegamaya, xilli ciidamada Puntland ay sii wadaan howlgallada ka dhanka ah ururka Daacish, iyagoo gaaray degaanadii ay ka talin jireen kooxda Daacish. Puntland waxay sheegtay inay ka go’an tahay ciribtirka Daacish