Home WARARKA Mucaaradka Soomaaliya oo soo bandhigay hindise doorasho qof iyo cod ah oo...

Mucaaradka Soomaaliya oo soo bandhigay hindise doorasho qof iyo cod ah oo ku saleysan nidaamka 4.5

6
0

Madasha mucaaradka Soomaaliya ayaa soo bandhigtay hindise cusub oo doorasho oo lagu qabanayo nidaamka qof iyo cod ah oo dalka oo dhan ka dhacda, iyadoo isla markaana la ilaalinayo nidaamka awood-qaybsiga ee 4.5.

Sida ku cad hindisaha, waxaa la soo jeediyay in la dhiso guddiyo doorasho oo madax-bannaan heer federaal iyo heer dowlad-goboleed, kuwaas oo masuul ka noqon doona maamulka iyo kormeerka geeddi-socodka doorashooyinka sida ku cad bayaanka ay soo saareen.

Qorshuhu wuxuu sidoo kale dhigaya in dalka laga hirgeliyo nidaam diiwaangelin codbixiyeyaal oo ku saleysan aqoonsiga biometriga, si looga hortago isdiiwaangelinno isdaba joog ah loona xoojiyo kalsoonida lagu qabo hannaanka doorashada.

Bayaanka ayaa lagu cadeeyay in Hindisahaan uu xusayo in kuraasta baarlamaanka lagu saleeyo deegaan-doorashooyin loo yaqaan “SEEJO” (Seat Constituencies), iyadoo codbixiyayaasha iyo musharraxiintuba ay ku xirmayaan deegaan-doorashooyinka beelaha ay ka soo jeedaan.

Waxaa kale oo lagu soo jeediyay in diiwaangelinta codbixiyeyaasha laga wada fuliyo dalka oo dhan isku mar, ka dibna la qabto doorasho qaran oo hal maalin gudaheed lagu codeeyo.

Hindisahaan Mucaaradka soo bandhigeen sida ku cad war saxaafadeedkooda wuxuu musharraxiinta siinayaa xaq ay ku magacaaban karaan wakiillo goobaha codbixinta iyo tirinta codadka jooga, kuwaas oo la socon kara dhammaan marxaladaha codbixinta iyo tirinta, gudbin kara cabashooyin, isla markaana heli kara natiijooyinka rasmiga ah ee goobaha codbixinta.

Sidoo kale, hindisuhu wuxuu awoodda go’aaminta khilaafaadka doorashooyinka siinayaa Maxkamadda Sare, iyadoo cabashooyinka looga baahan yahay in lagu gudbiyo muddo 48 saacadood gudahood ah marka lagu dhawaaqo natiijooyinka rasmiga ah.

Mucaaradka ayaa sheegay in qorshahan uu ujeeddadiisu tahay in la isku waafajiyo doorasho toos ah iyo duruufaha siyaasadeed ee dalka ka jira, isla markaana la xoojiyo hufnaanta, isla xisaabtanka iyo ka qaybgalka ballaaran ee shacabka.

Hindisahan ayaa la filayaa inuu qayb ka noqdo doodaha ka socda hannaanka doorashooyinka Soomaaliya xilli ay jiraan is-afgaranwaaga u dhexeeya dowladda iyo mucaaradka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here