Masar iyo Eritereeya oo ku celisay diidmada ku lug lahaanshaha waddammada aan-litirka ahayn ee amniga Badda Cas

0
5

Wasiirka arrimaha dibadda Badar Abdelatty iyo madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa ku celceliyay inay diiddan yihiin wax kasta oo ay quruumaha badda cas aan ahayn ku lug leeyihiin amniga iyo maamulka degaanka.

Sida lagu sheegay bayaan ay soo saartay wasaaradda arrimaha dibadda Masar Sabtidii, Abdelatty iyo Afwerki ayaa hadalkan sheegay ka dib markii ay labada dhinac ka wada hadleen xaaladihii ugu dambeeyay ee gobolka.

War saxaafadeedka ayaa lagu sheegay in Abdelatty uu booqday Eritrea Jimcihii si uu ugala hadlo sidii loo dhaqaajin lahaa habka isuduwidda saddex geesoodka ah ee Masar, Eritrea iyo Soomaaliya.

Waxaa la sameeyay kadib shir madaxeed ay isugu yimaadeen hogaamiyayaasha Masar, Eritrea iyo Soomaaliya oo ka dhacay caasimadda Eritrea ee Asmara, 10kii Oktoobar 2024, guddiga saddex geesoodka ah ayaa kulankoodii ugu horreeyay ku yeeshay Qaahira bishii Janaayo.

Kulankaas ka dib, Abdelatty wuxuu ku nuux-nuux saday shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen dhiggiisa Ereteriya iyo Soomaaliya in aan la aqbali doonin joogitaan ciidan ama badeed dowlad aan sharci ahayn oo ku taal Badda Cas.

Masar iyo Eritrea ayaa dhowr jeer oo hore diiday dhammaan faragelinta shisheeye ee arrimaha Soomaaliya, waxayna caddeeyeen inay taageersan yihiin madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.
Bilihii u dambeeyay waxa Geeska Afrika ku soo badanayay xurguftu ka dib markii Somaliland oo ah dal ka go’ay Soomaaliya oo aan dalna aqoonsanayn ay ogolaatay in 20 KM oo ka mid ah xeebaheeda ay muddo 50 sano ah ka kirayso Itoobiya oo aan bad lahayn si ay uga dhisato saldhig badeed si ay u hesho aqoonsi diblomaasiyadeed.

Bishii Janaayo, Turkiga ayaa dhexdhexaadiyay heshiis nabadeed oo dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo ay ka mid ahaayeen in dib loo soo celiyo xiriirkii diblomaasiyadeed ee labada dal.

Isku soo dhawaanshahaas ka dib, heshiiska Itoobiya iyo Somaliland waa mid aan la hubin.

Intii uu socday kulankii Jimcihii, Abdelatty iyo Afwerki waxay ka wadahadleen u diyaar garowga shirka labaad ee guddiga saddex geesoodka ah ee wasiirrada, kaas oo ka dhici doona caasimadda Eritrea.

Waxa kale oo ay is dhaafsadeen fikrado ku saabsan arrimaha gobolka ee danaha labada dhinac iyo sidii loo taageeri lahaa nabadda iyo ammaanka Geeska Afrika.

Sidoo kale, waxay labada dhinac ka wadahadleen sidii Soomaaliya looga taageeri lahaa la-dagaalanka Argagaxisada, xaaladihii ugu dambeeyay ee Suudaan, xaaladda Liibiya iyo gobolka Saaxil ee Afrika.

Waxa kale oo ay ka wadahadleen amniga iyo maamulka Badda Cas.
Intaa waxaa dheer, Abdelatty ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka Masar iyo Eritrea, isagoo gaarsiiyay farriin afka ah oo uu ka siday Madaxweyne Abdel-Fattah El-Sisi Madaxweynaha Eritrea.

Afwerki ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu uu rajaynayo in uu sare u qaado xiriirka Masar uu la leeyahay siyaalo qanciya rabitaanka labada dal oo ka tarjumaya xiriirkooda taariikhiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here