Home WARARKA Roob saacado ka da’ayay Muqdisho oo hakad weyn geliyay isu socodka gaadiidka...

Roob saacado ka da’ayay Muqdisho oo hakad weyn geliyay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa guud

4
0

Roob saacado badan ka da’ayay magaalada Muqdisho ayaa hakad weyn geliyay isu socodka gaadiidka iyo dhaqdhaqaaqa guud ee caasimadda, kadib markii waddooyin badan ay noqdeen biyo-xireenno.

Waddada mashquulka badan ee KM4, gaar ahaan dhanka aadda Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde, ayaa si weyn u saameysantay, iyadoo biyaha roobku ay qariyeen qeybo ka mid ah waddada iyo biraha koontaroollada, taasoo keentay in gaadiid badan ay ku adkaato inay maraan.

Magaalada Muqdisho ayaa weli wajahaysa caqabado la xiriira la’aanta nidaam biya-mareenno oo casri ah, taasoo mar kasta sababta in biyaha roobka ay ku fariistaan waddooyinka muhiimka ah, islamarkaana ay carqaladeeyaan isu socodka dadka iyo gaadiidka.

Roobka ayaa sidoo kale saameeyay dhaqdhaqaaqa ganacsiga iyo adeegyada gaadiidka dadweynaha, iyadoo qaar ka mid ah shacabka ay cabasho ka muujiyeen fatahaadaha soo noqnoqda ee ka dhasha roobabka xilliyeedka.

Dadka ku nool magaalada ayaa ugu baaqaya maamulka gobolka Banaadir iyo hay’adaha ay khuseyso inay xoojiyaan qorshayaasha lagu horumarinayo biya-mareennada si looga hortago saameynta roobabka mustaqbalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here