Wararka ka imaanaya Degmada Beled Xaawo ee Gobolka Gedo ayaa sheegaya in Wabiga Daawo ee mara duleedka degmadaasi uu guray, iyadoona dadka noloshooda ay ku tiirsanayd biyaha wabiga ay wajahayaan xaalad adag oo dhanka nolosha ah.
Wabigaan waa midka 3aad ee Soomaaliya mara marka laga soo tago wabiyada Jubba iyo sidoo kale Shabeelle, waxaa isku maraa degaanada ay kamidka yihiin Degmada Beled Xaawo iyo Doolow, waxaana uu sii maraa Degmada Luuq ee Gobolka Gedo, Dadka degaanka ayaa sheegaya in sanadkii 2 bil oo kamid ah uu guro Wabiga halka bilaha kalana uu socdo biyaha wabiga.
Wararka waxa ay intaasi ku darayaan in guritaanka wabiga Daawo uu kasoo hormaray waqtigii looga bartay inuu guro, xoolihii ku noolaa wabiga ayaa qaar kood u geeriyooday oonka biyaha sidoo kale ay saameeysay daligii beeraha oo dadka ay ku waraabsan jireen.
Dadka degaanka ayaa sheegay in ay dareemayaan walaac xoogan oo ku saabsan dhinaca Wabiga oo ay Beerahoodi iyo Xoolahoodi ay ku tiirsanaayeen balse hadda ay bilaabeen inay meelo KMG ah u qotaan Xoolaha Biyo yarna loogu shubo, waxaana wabiga uu guray Bishii lasoo dhaafay ee Febraayo.
Dadkaan kunool agaagarka Wabiga ayaa shaaca ka qaaday in horey ay usaameysay abaarihii gobolada soomaray ayna hadda dareemayaan culees kale oo kusoo kordhay oo wabiga ah hadii aan xilliyada soo socda uusan roob da’ina ay xoolahoodi khatar ugu jiraan inay ka la’daan.