Weerar qaraxyo ku bilaawday oo ka socda hotel ku yaala magaalada Baledweyne

0
6

Kooxda Al-shabaab ayaa goordhaw weerar qaraxyo ku bilaawday ku qaaday Hotel ku yaala Xaafada Howlwadaag ee magaalada Baledweyne.

Hotelka qaraxa iyo weerarka lagu ekeeyay ayaa lagu magacaabaa Hotel Qaahira, waxaana la sheegay iney daganayeen Odayaal dhaqameed iyo saraakiil ciidan oo waday abaabulka dagaal ka dhan ah Al-shabaabka ku sugan Galbeedka gobolka Hiiraan.

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya qaraxa iyo weerarka isxigay ee wali ka socda Hotelka iyo nawaaxigiisa iney geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac, hayeshee wali si rasmi ah looma xaqiijin karo inta uu dhan yahay khasaaraha rasmiga ah.

Xubno ka tirsan kooxda Al-shabaab ayaa wali ka dagaalami haaya hotelka iyo nawaaxigiisa, waxaana la maqlaya mararka qaar dhawaqa qaraxyo ay sameynayaan xubnaha kooxda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here