Ugu yaraan 41 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab oo ay ku jiraan xubno sare ayaa lagu dilay duqeymo cirka ah oo ay fuliyeen ciidamada milatariga Soomaaliya oo kaashanaya kuwa nabad sugidda iyo sirdoonka qaranka ee NISA maalintii Khamiista.
Sida lagu sheegay war ka soo baxay NISA, duqeyntii ugu horeysay ayaa lagu beegsaday isku imaatin ay ku sugnaayeen 29 dagaalyahan oo ka tirsan Al-Shabaab oo ku sugnaa deegaanka Boos-Hareeri ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana si dhab ah loo ciribtiray kooxdaasi. Weerar labaad oo ka dhacay deegaanka Jambaluul ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa waxaa lagu dilay 12 ka mid ah maleeshiyadii weerarka soo qaaday.
“Howlgalladan waxay qayb ka yihiin dadaallada aan ku doonayno inaan hoos ugu dhigno awoodda kooxda Al-shabaab,” ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka NISA, iyadoo ku tilmaantay duqeyntan mid dhabar-jab weyn ku ah kooxda xagjirka ah. Sidoo kale, Hay’adda ayaa digniin u dirtay dadka rayidka ah, iyadoo ugu baaqday inay ka fogaadaan goobaha ay ku dhuumaaleysanayaan maleeshiyada Al-Shabaab, iyadoo ciidamada ay sii wadaan howlgallada.
Duqeymahan cirka ah ayaa ku soo aadaya, iyadoo dhaq dhaqaaqyo ciidan laga dareemayo gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Shabeellaha Hoose iyo sidoo kale Hiiraan, kaddib markii ay kordheen weerarada Al-Shabaab ay ku qaadayaan saldhigyada ciidamada Soomaaliya. Maleeshiyaadka ayaa mudooyinkii dambe kordhiyay weerarada ka dhanka ah ciidamada dowladda, waxaana taasi keentay in ciidamada Milatariga Soomaaliya ay jawaab adag ka bixiyaan.
Dowladda Soomaaliya ayaa wacad ku martay inay sii wadi doonto weerarada ka dhanka ah Al-Shabaab, iyadoo ujeedka uu yahay in la burburiyo deegaanada ay weli kaga harsan yihiin Al Shabaab.