Soomaaliya oo diiday soo jeedin kasta oo ku saabsan in Falastiin dib u dejin loogu sameeyo dhulkeeda

0
3

Soomaaliya ayaa si adag u diiday soo jeedin kasta oo ku lug leh dib u dajinta Falastiiniyiinta dhulkeeda, iyadoo caddeysay inay ka go’an tahay xaqa ay dadka Falastiiniyiinta u leeyihiin inay si nabad ah ugu noolaadaan dhulkooda awoowgood.

Wasiirka arrimaha dibadda Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in Soomaaliya aysan aqbali doonin wax kasta oo wax u dhimaya qaranimada falastiin iyo in dhul Soomaaliyeed loo adeegsado dib u dejinta shacabka kale.

Hadalkiisa ayaa ku soo beegmaya iyadoo ay soo baxayaan warar sheegaya in Maraykanka iyo Israa’iil ay u tageen dalalka Bariga Afrika ee ay ku jiraan Soomaaliya, Suudaan iyo Somaliland, si ay dadka Gaza uga soo qaadaan. Sudan ayaa iyadu hore u diiday fikradaas, halka Somaliland ay beenisay in si rasmi ah loola soo xidhiidhay.

Soomaaliya ayaa taariikh ahaan si weyn u taageerta xuquuqda iyo qaranimada falastiiniyiinta, waxayna la safan tahay mowqifka Jaamacadda Carabta iyo Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ee colaadda Israel iyo Falastiin.

Hadalka Wasiir Fiqi waxa uu xoojinayaa sida ay Soomaaliya uga soo horjeedaan barakicinta qasabka ah ee lagu hayo shacabka reer Falastiin, taasi oo wadamada Carabta ay si weyn u cambaareeyeen isku day lagu xasuuqayo isir sifeynta, sida ay qoreen Aljazeera iyo Associated Press (AP).

Diidmada soo jeedinta la soo sheegay ayaa ku soo beegantay iyadoo ay sare u kacday xiisadda ka dhalatay dhibaatada bini’aadantinimo ee Gaza, halkaas oo hawlgallada milatari ee Israa’iil oo sii socda ay ku barakaceen kumanaan qof. Warbixinnada ku saabsan qorshayaasha dib-u-dejinta ee suurtogalka ah ayaa kiciyay qaylo dhaan caalami ah, iyadoo dadka dhaleeceynaya ay ka digayaan in tillaabooyinkan ay si joogto ah uga saari karaan Falastiiniyiinta dalkooda hooyo.

Iyadoo ay weli socdaan wadahadallo diblomaasiyadeed, Soomaaliya waxay si cad u sheegtay in dhulkeeda uusan qeyb ka noqon doonin dadaallada dib u dejinta, iyadoo la garab taagan qadiyadda Falastiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here