Howlgalo khasaare lagu gaarsiiyay Al-shabaab oo laga fuliyay gobolka Shabeellaha Dhexe

0
3

Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya howgal qorsheysan oo saacadahii lasoo dhaafay ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed ka fuliyeen tuulooyin hoostaga deegaanka Laba garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalka ayaa la tilmaamay in ciidamadu ku beegsabadeen xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab oo isku aruursanaayay meel u dhaw tuulada lagu magacaabo Sumadaale oo hoostagta deegaanka Laba garas.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in howlgalada lagu dilay xubno badan oo ka tirsan kooxda, islamarkaana lagu burburiyay gabaadyo halkaasi ku lahayeen maleeshiyaadka Al-shabaab.

“Ciidamada Qaranka ayaa howlgal qorshaysan ku burburiyay goob Khawaarijtu ay isku aruursanayeen oo ku taalla deegaanka Laba-Garas ee gobalka Shabeellaha Dhexe, waxaana halkaasi lagu laayay dhamaan maleeshiyaadkii cadowga ahaa ee joogay” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay dowladda.

Qoraalka kasoo baxay dowladda Fedaraalka laguma sheegin tirada rasmiga ah ee Al-shabaab looga dilay howlgalka ciidamadu ka fuliyeen tuulooyinka hoostaga deegaanla Laba garas ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Deegaano iyo degmooyin ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose waxaa mudooyinkii lasoo dhaafay si xowli ah uga socday howlgalada ka dhan ah kooxda Al-shabaab ee ku sugan qeybo ka mid ah gobolkaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here