Dayax modaadbka oo sanado kadib lagu arkay dalal ay kujiraan Algeria, Mauratania, Morocco

0
4

Qaar kamid ah dalalka Afrika kuyaalla ayaa sanado kadib laga arkay dayax-madoobaad, waxaana dadka kunool dalalkaasi oo u badan kuwa carbeed indhahooda saareen dayaxii oo midibkiisa is beddelay lagana arkayay madow.

Sidoo kale, Cirbixiyeennada adduunka ayaa shalay subax ku waabariistay dayax-madoobaad laga arki karay qeybo ka mid ah adduunka, oo ay ku jiraan dalal kuyaalla galbeedka Qaarada Afrika, gaar ahaan dalalka dhowr ah oo carbeed.

Dhanka kale, Dayax-madoobaad, oo markii ugu horreysay sannadkan la arkay, ayaa si buuxda looga dareemay waqooyiga iyo koofurta Ameerika, balse lagama arkin dalalka dhaca qaarada Aasiya iyo Bariga Afrika.

Markii hore dayax-madoobaadka waxaa laga arkay galbeedka Qaarada Afrika, oo ay ku jiraan dalalka Mauritania, Morocco, Algeria, Tunisia, iyo galbeedka Libya, sida ay sheegtay xarunta Caalamiga ah ee Cirbixiyeenka.

Sikastaba, arrintan ayaa dhacday markii ugu horreysay tan iyo bishii May 2022, markaas oo midabka dayaxu isku beddelay casaan tiq ah. Dayaxa ayaa midabkan casaanka ka hela fallaaraha cadceedda oo soo gaara dayaxa marka dayax-madoobaad dhaco, wuxuuna usii gudbiyaa dhulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here