Puntland oo sheegtay in la bartilmaameedsan karin xaasaska iyo carruuraha kooxda Daacish

0
6

Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha Diinta ee maamulka Puntland, Maxamed Cabdi Wahaab, ayaa qoraal uu bartiisa Facebook kusoo qoray ku sheegay, in aan la bartilmaameedsan karin xaasaska iyo carruurta kooxda Daacish, taasoo uu sheegay inay waafaqsan tahay mabaadi’da diinta Islaamka.
Wasiirku wuxuu xusay in Puntland ay hore u caddeysay in carruurta iyo haweenka Daacish ee aan wax dambi ah gelin ay isa soo dhiibi karaan, isla markaana aysan la kulmi doonin dil ama xadgudub.

Wuxuu sheegay in ay waajib tahay in la ilaaliyo xuquuqda haweenka iyo carruurta maatada ah.

“Intii dagaalku socday, ma jirin wax gaf ama xadgudub ah oo lagu sameeyey dumar, carruur ama maxaabiis Daacish ah. Sidaas darteed, arrintani maaha mid u baahan in laga hadlo maanta,” ayuu yiri wasiirku.

Sidoo kale, wasiirku wuxuu bulshada Puntland iyo guud ahaan Soomaalida ugu baaqay in aan dagaalka lagula jiro argagixisada laga dhex raadin dano siyaasadeed ama mid kooxeed.

“Daacish waa khawaarij shisheeye, oo ku soo duushey dalkeena, waxey xalaaleysteen dhiiga, sharafta iyo dhaqaalaha dadkeena, waxey kharaabiyeen guryihii ilaahey iyo goobihii cibaadada. Diinteenu waxey ina faraysaa in aan iska dhicino oo aan ku layno goobaha dagaalka, iyo meel walba oo ay galaan, haddii koodii dhaawac ah iyo kii isa soo dhiiba uu isqarixinayo oo dhib u gaysanayo Ciidankeena, waa la dilayaa mana jirto sabab loo bad baadiyo, sidoo kale waxaa bannaan in maxkamad la horkeeno oo lagu fuliyo dil, daldalaad ama ciqaab kale ee u dhiganta hadba danbjgey galeen,” ayuu yiri wasiirku.

Wuxuu sheegay in ay jiraan dad waaweyn oo aan waligood ka hadlin dhibaatada Daacish, balse hadda soo muuqday iyagoo leh sida uu sheegay ajandayaal siyaasadeed oo ay ku dhex raadinayaan dagaalka lagula jiro kooxdaasi.

Hadalka wasiirka caddaaladda Puntland ayaa yimid, kaddib hadal hayn badan oo ka dhalatay mid kamid ah culimada Puntland oo sheegay inaan la dili karin dadka u dagaalamaya kooxda Daacish oo dagaalka lagu qabto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here