Qarax miino ah oo ladhigay Guri dabaq ah hoostiisa oo ka dhacay Ceelgaabta

0
10

Qarax xooggan oo nuuca miinada hareeraha waddooyinka la dhigo ayaa goordhoweyd ka dhacay laamiga Ceel Gaabta ee degmada Xamar Jajab, waxaana qaraxan la sheegay in uu ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Sidoo kale, qaraxa miinada ah ayaa lagu qariyay guri dabaq ah hoostiisa oo kuyaalla laamiga Ceel Gaabta, waxaana waddada qaraxa ka dhacay la sheegay in ay u xirneed Madaxweyn e Xasan Sheekh oo halkaasi marayay kuna sii jeeday furimaha hore ee dagaalka gobolka Shabeelaha Dhaxe.

Dhanka kale, inta la xaqiijiyay hal qof oo shacab ah misana la sheegay in uu ahaa nin dukaan ku lahaa goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa geeriyooday, dad kalana waxaa la sheegay in dhaawacyo soo gaareen, dhismaha uu qaraxa hoostiisa ka dhacay ayaa iyana la sheegay in burbur soo gaaray.

Sikastaba, Ciidamada ammaanka gaar ahaan booliiska iyo nabadsugidda ayaa xiray goobta uu qaraxu ka dhacay, waxa ayna ciidamada halkaasi ka wadaan baaritaanno ku aadan qaraxan sida uu u dhacay , iyaga oo baaraya kaamirooyinka halkaasi kuyaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here