Home WARARKA Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay askar dhac ka geysanaystay Duleedka Muqdisho

Booliska Soomaaliya oo gacanta ku dhigay askar dhac ka geysanaystay Duleedka Muqdisho

43
0

Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ayaa howlgalo ka kala dhacay Ceelasha Biyaha iyo Dayniile ku soo qabtay kooxo burcad ah oo ku eedeysan inay khal-khal geliyeen amniga iyo dhac u geysteen dadka shacabka ah.

Howlgal ka dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha, Ciidanka ayaa gacanta ku soo dhigay saddex eedeysane oo kala ah:

Dable X.G.D. Nuur Muxiyadiin,

Dable X.G.D. Yaasiir Cali Abukar,

Cabdi Kaafi Ibraahim Shariif.

Eedeysanayaashan ayaa lagu tuhunsan yahay falal amni darro iyo dhac, waxaana lagu wareejiyay hay’adaha garsoorka si loogu qaado tallaabo sharci ah.

  

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here