Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA) ayaa sheegtay inay Muqdisho u soo wareejisay laba nin oo lagu soo qabtay howlgal amni oo ka dhacay gobolka Galgaduud, kaas oo lagu bartilmaameedsanayay hubka sharci darrada ah iyo falalka amni darrada la xiriira colaadaha beelaha.
War-saxaafadeed ay soo saartay NISA ayaa lagu sheegay in labada nin oo lagu kala magacaabo Cabdi Maxamed Axmed iyo Daahir Tahliil Cigaal lagu qabtay deegaannada Kaxandhaale iyo Balihowd, xilli sida ay hay’addu sheegtay ay wateen laba qori oo nooca AK-47 ah.
Hay’addu waxay sheegtay in labada eedeysane diyaarad lagu geeyay Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, isla markaana la filayo in la horgeeyo maxkamad si loogu qaado dacwad la xiriirta eedeymaha loo haysto.
Sida ay NISA sheegtay, howlgalka ayaa lagu fuliyay awaamiir ka timid Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mahad Salaad, wuxuuna daba socdaa heshiisyo laga gaaray shir nabadeed oo dhowaan ka dhacay degmada Balanballe.
Shirkaas ayay masuuliyiinta, odayaasha dhaqanka iyo bulshada deegaanka ku heshiiyeen in la adkeeyo tallaabooyinka lagula dagaallamayo hubka sharci darrada ah iyo dadka lagu eedeeyo hurinta amni darrada.






