Home WARARKA Wadahadalo u furmaya DF iyo mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo dhex dhexaadinaysa.

Wadahadalo u furmaya DF iyo mucaaradka iyo Beesha Caalamka oo dhex dhexaadinaysa.

7
0

Magaalada Muqdisho waxaa maanta oo Talaado ah ka furmay wada-hadallo xasaasi ah oo u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo mucaaradka ku midoobay Golaha Mustaqbalka, kuwaas oo si weyn isha loogu hayo maadaama ay la xiriiraan mustaqbalka doorashooyinka dalka, khilaafka dastuurka iyo jihada kala-guurka siyaasadeed ee Soomaaliya.

Kulankan oo la sheegay in aan saxaafadda loo oggolaan doonin ayaa leh weji ka duwan wada-hadalladii hore, iyadoo markan miiska dhexdhexaadinta iyo dammaanad-qaadka ay si toos ah u fadhiyaan dowladda Turkiga, danjireyaal ka socda dalalka reer Galbeedka, Midowga Yurub iyo Qaramada Midoobay.

Tani waxay muujinaysaa culayska sii kordhaya ee beesha caalamka ay saarayso dhinacyada isku haya siyaasadda Soomaaliya, si xal waara loogu helo hannaanka doorashooyinka, muranka dastuurka iyo xasilinta xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Ajandayaasha ugu waaweyn ee shirka ayaa lagu sheegay hannaanka doorashada iyo qaabka loo qabanayo, doodda dastuurka iyo sidii loo maareyn lahaa marxaladda kala-guurka ah ee dalka.

Wada-hadalladan ayaa kusoo beegmaya xilli khilaafka siyaasadeed uu gaaray heer sare, islamarkaana ay isa soo tarayaan baaqyada gudaha iyo dibadda ee ku aaddan in la helo is-afgarad siyaasadeed oo laga wada qaybgelayo.

Golaha Mustaqbalka oo ay ku mideysan yihiin maamullada Puntland, Jubaland iyo Madasha Samatabixinta Qaran, ayaa kulankan ku galay awood siyaasadeed oo ka duwan tii hore, kadib markii ay ku guuleysteen in si heer caalami ah loogu aqoonsado dhinac siyaasadeed oo aragtidiisa iyo mowqifkiisa loo arko mid lagama maarmaan u ah goโ€™aannada masiiriga ah ee dalka.

Tani waa arrin muddo dheer ay ka biyo diidday xukuumadda xil-gaarsiinta ee Muqdisho, taas oo ku adkeysanaysay in aan mucaaradka loo aqoonsan dhinac sharciyad siyaasadeed leh.

Doorka Turkiga iyo saaxiibbada reer Galbeedka ayaa loo fasiranayaa fursad cusub oo lagu xaqiijin karo in qodobbada ka soo baxa shirka aysan ku ekaan warqad iyo ballanqaad siyaasadeed oo kaliya, balse ay helaan dammaanad-qaad caalami ah oo cadaadis saaraya fulintooda.

Sidoo kale, kulankan ayaa muujinaya in arrimaha siyaasadda Soomaaliya ay galeen marxalad cusub oo goโ€™aannada muhiimka ah aan mar dambe lagu xallin karin gudaha oo keliya, balse ay si muuqata u soo galeen gacmo dibadeed oo doonaya in ay dardar geliyaan heshiis siyaasadeed oo la isku raacsan yahay.

Shirkan maanta ka furmay Muqdisho ayaa sidaas darteed loo arkaa mid ka mid ah kulamadii ugu xasaasisanaa ee sannadihii u dambeeyay ka dhaca Soomaaliya, maadaama uu isku keenay dowladda, mucaaradka iyo quwadaha saameynta ku leh siyaasadda dalka, iyadoo natiijada ka soo baxda ay si toos ah u taaban karto jihada doorashada, dastuurka iyo awood-qaybsiga siyaasadeed ee Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here