Hay’adda dambi-baarista dalka Mareykanka ee FBI ayaa ku dhawaaqday in ay bixin doonto abaalmarin lacageed oo gaareysa illaa $150,000, taas oo la guddoonsiin doono cid kasta oo keenta xog horseedi karta in la soo qabto, lana maxkamadeeyo eedeysane magaciisa la yiraahdo Fahad Maxamed Nuur.
Fahad oo ah muwaadin asalkiisu yahay Soomaal, waxaana lagu eedeynaya inuu musuq maasuqay malaayiin doolar oo loogu talagalay Barnaamijka Federaalka ee Nafaqeynta Carruurta, xilligii uu dillaacay cudurka safmarka ah ee COVID-19.
Bayaan kasoo baxay xafiiska hay’adda FBI-da ayaa lagu yiri: “Nuur waa muwadin Mareykan ah oo asal ahaan ka soo jeeda Soomaaliya, waxaana hadda loo maleynayaa inuu dhinaca dalkaasi u baxsaday”
Maxkamadda Federaalka ee Demada Minnesota ee magaalada Minneapolis ayaa waaran qabasho ah u jartay eedeysane Fahad 13-kii bishii Sebtember ee sanadkii 2022-kii.
Sida ay xaqiijisay FBI-da, dambiyada loo haysto ninkan ayaa isugu jira; lacag dhaqid iyo xatooyo xoolo dadweyne.



