Home WARARKA Turkiga oo Soomaaliya ka reebay barnaamijka fiisaha elektaroonigga ah

Turkiga oo Soomaaliya ka reebay barnaamijka fiisaha elektaroonigga ah

2
0

Dowladda Turkiga ayaa xaqiijisay in sagaal waddan oo Afrikaan ah oo keliya ay u qalmaan barnaamijkeeda fiisaha elektaroonigga ah (eVisa) sannadka 2026, iyadoo Soomaaliya aysan ku jirin dalalkaas, sida lagu daabacay bogga rasmiga ah ee fiisaha elektaroonigga ah ee Turkiga.

Dalalka Afrika ee loo oggol yahay inay codsadaan fiisaha elektaroonigga ah ayaa kala ah Aljeeriya, Cape Verde, Masar, Equatorial Guinea, Liibiya, Mauritius, Namibia, Senegal iyo Koonfur Afrika. Muwaadiniinta dalalka kale ee Afrika, oo ay ku jirto Soomaaliya, waxaa looga baahan yahay inay fiisaha Turkiga ka codsadaan safaaradaha ama qunsuliyadaha Turkiga.

Go’aankan ayaa imanaya xilli Turkigu uu Soomaaliya la leeyahay xiriir dhow oo dhinacyo badan leh, isla markaana uu ka hirgeliyey mashaariic waaweyn oo dhinacyada amniga, kaabeyaasha dhaqaalaha, waxbarashada iyo caafimaadka ah.

Turkigu wuxuu ka mid yahay saaxiibbada ugu waaweyn ee Soomaaliya, isagoo maalgashaday dekedda iyo garoonka diyaaradaha ee Muqdisho, tababar siiya ciidamada amniga, isla markaana door muuqda ku leh dib-u-dhiska hay’adaha dowladda iyo adeegyada bulshada.

Labada dal ayaa sidoo kale sanadihii u dambeeyay saxiixday heshiisyo ku saabsan iskaashiga difaaca, dhaqaalaha iyo tamarta, kuwaas oo dowladda Soomaaliya ay ku tilmaantay kuwo xoojinaya iskaashiga istaraatiijiga ah ee labada dhinac.

Ilaa hadda, dowladda Turkiga ma aysan bixin faahfaahin ku saabsan sababaha Soomaaliya iyo inta badan dalalka kale ee Afrika looga reebay barnaamijka fiisaha elektaroonigga ah. Sida ay qortay The Point, muwaadiniinta dalalka aan ku jirin liiska waa inay maraan nidaamka caadiga ah ee codsashada fiisaha iyagoo adeegsanaya safaaradaha ama qunsuliyadaha Turkiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here