Home WARARKA Hirshabeelle iyo fashilka xalinta colaadaha beelaha: Cali Guudlaawe xaggee ayuu ka taagan...

Hirshabeelle iyo fashilka xalinta colaadaha beelaha: Cali Guudlaawe xaggee ayuu ka taagan yahay?

2
0

Dowlad-goboleedka Hirshabeelle ayaa mar kale wajahaya su’aalo culus oo ku saabsan amniga, wadajirka bulshada iyo awoodda maamulka ee xalinta khilaafaadka beelaha, kaddib markii deegaanka Ceel-Baraf ee gobolka Shabeellaha Dhexe lagu dilay askari ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dhacdadan ayaa soo cusbooneysiisay walaaca laga qabo in colaadaha iyo aanooyinka beelaha ay weli yihiin mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee horyaalla Hirshabeelle, iyadoo dhacdooyin hore oo la mid ah ay ka dhaceen isla deegaanka Ceel-Baraf.

Wararka la helayo waxay sheegayaan in askariga, oo lagu magacaabi jiray Axmed Shire Xuseen, uu ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isla markaana uu fasax uga soo baxay goob uu ciidanku ka howlgalayay. Waxaa lagu soo warramay in lagu dilay aagga Ceel-Baraf, iyadoo ilo deegaanka ah ay dhacdada ku tilmaameen mid la xiriirta aano qabiil.

Dhacdadan ma ahan markii ugu horreysay ee askar lagu dilo aagga Ceel-Baraf iyadoo arrinta lagu xiriirinayo colaad beeleed.

Dabayaaqadii 2024-kii, toddobo askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga Dalka ayaa lagu dilay deegaankaas kaddib markii ay ka soo laabteen furimaha dagaalka. Dilkaas wuxuu dhaliyay caro xooggan, waxaana meydadka askarta markii dambe loo qaaday Beledweyne si loogu aaso.

Sidaas darteed, dhacdada cusub waxay dadka qaar u muuqan kartaa inay caddeyn u tahay in casharradii laga bartay dhacdooyinkii hore aysan weli dhalin nidaam amni oo wax ku ool ah oo ka hortaga in askar ama shacab lagu beegsado arrimo la xiriira colaadaha beelaha.

Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe ayaa dhacdadii 2024 si adag u cambaareeyay, wuxuuna ku baaqay in cid kasta oo ku lug lahayd dilka la horkeeno sharciga.

Laakiin su’aasha maanta taagan ayaa ah: maxaa iska beddelay tan iyo markaas?Cali Guudlaawe wuxuu muddo ku dhow lix sano hoggaaminayay Hirshabeelle, isagoo xilka qabtay xilli maamulka uu durba wajahayay khilaafyo siyaasadeed, tabashooyin beeleed iyo su’aalo laga qabay xiriirka u dhexeeya labada gobol ee Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe.

Mid ka mid ah caqabadaha ugu waaweyn ee hor yaalla madaxweynaha ayaa ah inuu helo kalsooni isku mid ah oo ka timaadda labada gobol.

Hiiraan gaar ahaan waxaa muddo dheer ka jiray tabashooyin ku wajahan maamulka Hirshabeelle. Magaalada Beledweyne-na waxay noqotay xarunta ugu weyn ee laga dareemayo khilaafkaas siyaasadeed.

Waxaa jiray waqtiyo uu madaxweynaha ku adkaaday inuu si joogto ah u tago Beledweyne. Bishii Agoosto 2026, Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Dabageed ayaa ka hadlay qorshe safar oo Cali Guudlaawe ku tagayay Beledweyne, isagoo sheegay in madaxweynaha uu doonayo inuu dadka reer Hiiraan la fariisto oo uu dhageysto tabashooyinkooda. Warbixintaas waxay sidoo kale xustay in hore aysan u suuragelin madaxweynaha inuu magaalada tago.

Arrintani waxay muujinaysaa in dhibaatadu aysan ku koobnayn dagaal beeleed oo keliya, balse ay ku dhex milmeen siyaasadda, maamulka iyo kalsoonida bulshada.

Madaxweynaha Hirshabeelle haddii uu caasimad goboleedkiisa ka fogaado,Su’aasha ugu weyn ee siyaasadeed waxay tahay: Madaxweyne ma awoodi karaa inuu si dhab ah u hoggaamiyo maamul haddii qayb muhiim ah oo ka mid ah bulshada uu hoggaaminayo ay weli ka qabto tabashooyin culus?

Beledweyne waa caasimadda gobolka Hiiraan, sidoo kalena waa mid ka mid ah magaalooyinka ugu muhiimsan Hirshabeelle. Dowladda Hirshabeelle waxay si rasmi ah uga shaqeysaa magaalada, waxaana 2026 magaalada ka socday hawlo iyo barnaamijyo ay fulinayeen wasaaradaha maamulka.

Sidaa darteed, haddii madaxweynaha Hirshabeelle uusan si joogto ah ugu shaqeyn karin ama ugu safri karin Beledweyne sababo la xiriira khilaaf siyaasadeed ama amni, arrintaasi waxay dhaawac ku tahay awoodda maamulka ee mideynta labada gobol.

Inkasta oo madaxweynaha Hirshabeelle uu leeyahay masuuliyadda ugu weyn ee maamulka, haddana colaadaha beelaha ma ahan arrin uu hal qof keligiis xallin karo.

Hirshabeelle waxay leedahay laba gobol oo leh taariikh, siyaasado, dano iyo tabashooyin kala duwan. Khilaafaadkaas ayaa mararka qaar isu beddela muran siyaasadeed, mararka qaar dagaal beeleed, halka xaaladaha qaarna ay saameeyaan ciidamada dowladda iyo shacabka.

Xitaa xogta amniga ee 2026 waxay muujineysaa in Hirshabeelle ay wajahdo xaalad amni oo isku dhafan. Qaar ka mid ah deegaannada waxaa saameeya Al-Shabaab, halka meelo kale ay jiraan maamul iyo ciidamo dowladeed oo isku dayaya inay xoojiyaan gacanta dowladda.

Taasi waxay ka dhigan tahay in maamulka Hirshabeelle uu isku mar wajahayo saddex dhibaato oo waaweyn: khilaaf siyaasadeed, colaado beeleed iyo dagaalka Al-Shabaab.

Sanadihii lasoo dhaafay waxaa magaalada ka dhacay iska horimaadyo iyo muranno siyaasadeed oo la xiriiray maamulka Hirshabeelle. Waxaa sidoo kale jiray isku dhacyo u dhexeeyay ciidamo, waxaana 2022 magaalada ka dhacay dagaal sababay dhimashada taliyihii saldhigga Booliska Beledweyne, taas oo keentay in madaxweyne Guudlaawe magacaabo guddi baaritaan.

Dhinaca kale, waxaa magaalada ka jiray dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed oo ka dhan ah Hirshabeelle, iyadoo qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo bulshada gobolka Hiiraan ay taageereen fikradda maamul gaar ah oo Hiiraan ah.

Cali Jeyte Cismaan, oo hore u ahaa guddoomiyaha gobolka Hiiraan, ayaa xitaa magaalada Beledweyne loogu doortay madaxweynaha ku-meel-gaarka ah ee Hiiraan State, taas oo sii muujisay heerka uu gaaray khilaafka siyaasadeed ee u dhexeeya qaybo ka mid ah reer Hiiraan iyo Hirshabeelle.

Arrinta ayaa hadda sii xasaasi noqon karta iyadoo Hirshabeelle ay ku jirto marxalad doorasho,Guddiga Madaxa-bannaan ee Doorashooyinka Qaranka iyo Soohdimaha ee lagu muransayahay ayaa Agoosto 2026 magacaabay 12 degmo oo doorashooyin ka dhici doonaan Hirshabeelle, lix ka mid ahna waxay ku yaallaan gobolka Hiiraan, oo ay ku jirto Beledweyne.

Laakiin magaalada Beledweyne waxaa sidoo kale ka jiray xiisad la xiriirta hannaanka doorashada, iyadoo warar la helay ay sheegeen in ciidamo Macawiisley ah ay la wareegeen qaar ka mid ah goobihii loo asteeyay diiwaangelinta doorashada, iyagoo diiddan in doorashada ay taageerayaan maamulka Cali Guudlaawe lagu qabto magaalada.

Taasi waxay muujinaysaa in khilaafka Hirshabeelle uusan ahayn oo keliya arrin la xiriirta dagaal beeleed; wuxuu sidoo kale si toos ah ugu xiran yahay su’aasha ah cidda siyaasadda gobolka Hiiraan maamusha iyo sida awoodda loo qeybsanayo.

Haddii Cali Guudlaawe doonayo inuu ka tago dhaxalka siyaasadeed ee ah madaxweyne la tacaalayay khilaaf joogto ah, tallaabada ugu horreysa waa inuu xoogga saaro dib-u-heshiisiin dhab ah.

Ma aha oo keliya in la qabto shirar iyo sawirro laga qaado odayaasha dhaqanka. Waxaa loo baahan yahay heshiis ay beeluhu si dhab ah ugu heshiiyaan joojinta dilalka aargoosiga ah, in qofkii dila qof kale loo maro nidaam caddaaladeed, iyo in ciidanka dowladda laga ilaaliyo inay noqdaan kuwo lagu bartilmaameedsado aqoonsi beeleed.

Haddii askari ka tirsan ciidanka qaranka uu ku safri karo gudaha Hirshabeelle, kadibna lagu dilo sababo lagu sheegay aano qabiil, waxaa meesha ka baxaya dareenka ah in dowladdu si isku mid ah u ilaalinayso muwaadiniinta iyo ciidamada ku sugan deegaannadeeda.

Cali Guudlaawe wuxuu u baahan yahay inuu Beledweyne ka dhigo meel uu khilaafka ku xalliyo, ee uusan ka fogaan

Haddii madaxweyne Guudlaawe doonayo inuu helo kalsoonida dadka reer Hiiraan, waxaa laga doonayaa inuu si joogto ah ula fariisto bulshada, odayaasha, siyaasiyiinta iyo waxgaradka Beledweyne.

Madaxweynaha Hirshabeelle wuxuu u baahan yahay inuu muujiyo in Beledweyne ay tahay qayb aan laga goyn karin maamulka uu hoggaamiyo, isla markaana dadka reer Hiiraan ay leeyihiin xuquuq siyaasadeed iyo mid maamul oo la mid ah dadka kale ee Hirshabeelle.

Haddii uu taas ku guuldareysto, khilaafka siyaasadeed wuxuu sii dhalin karaa tabasho cusub, tabashaduna waxay isu beddeli kartaa iska horimaad, halka colaadaha beeluhuna ay sii wiiqi karaan awoodda dowladda.

Cali Guudlaawe sidaas darteed waxaa horyaalla imtixaan culus: inuu dadka Hirshabeelle tuso in maamulka uu hoggaaminayo uu awood u leeyahay inuu ka gudbo khilaafka beelaha, dib u dhiso kalsoonida reer Hiiraan, isla markaana xaqiijiyo in qof kasta—askari iyo shacabba—uu si nabad ah ugu safri karo deegaannada Hirshabeelle.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here