Home WARARKA DEG-DEG: Isbeddel lagu sameeyay Taliska NISA ee Garoonka Muqdisho

DEG-DEG: Isbeddel lagu sameeyay Taliska NISA ee Garoonka Muqdisho

3
0

Isbeddel cusub ayaa la sheegay inuu ka dhacay hoggaanka Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed ee NISA, gaar ahaan qeybta hay’adda uga howlgasha Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Sida ay sheegayaan xogaha hordhaca ah ee soo baxaya, Taliyihii NISA ee Garoonka Aadan Cadde, Gaashaanle Sare Xamdi Xasan, ayaa la sheegay in laga beddelay xilkii uu ka haysay garoonka, iyadoo lagu beddelay sarkaal lagu magacaabo Korneyl Khaalid Ciidow.

Xogta la helayo ayaa sidoo kale sheegaysa in Xamdi Xasan loo wareejiyay xil ka tirsan waaxda Maaliyadda ee Hay’adda NISA, halka Korneyl Khaalid Ciidow uu la wareegayo masuuliyadda amniga iyo howlaha NISA ee garoonka.

Gaashaanle Sare Xamdi Xasan ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay kamid aheed saraakiisha NISA, gaar ahaan kuwa ka howlgala Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde.

Xogta la heli karo waxay muujinaysaa in Xamdi Xasan loo magacaabay Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde sanadkii 2022, xilli uu Mahad Maxamed Salaad ahaa Agaasimaha NISA iyadoo ay jireen cabashooyin badan intii ay xilkaas haysay,Sidoo kale, May 2024 waxaa xilka Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde laga qaaday Xamdi, waxaana lagu beddelay Cabdullaahi Xaayow.

Balse bishii June 2025, markii Mahad Maxamed Salaad uu mar kale noqday Agaasimaha NISA, waxaa dib loogu magacaabay Xamdi Xasan xilka Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde.

Sababta rasmiga ah ee haddii isbeddelkan cusub uu dhacay aan weli la shaacin. Isbeddellada lagu sameeyo xilalka sare ee NISA ayaa inta badan la xiriira dib-u-habeyn gudaha ah, isku-shaandheyn iyo qorshaha hoggaanka hay’adda ee laamaha amniga.

Garoonka Aadan Cadde ayaa ah mid kamid ah goobaha ugu xasaasisan magaalada Muqdisho, maadaama uu yahay albaabka ugu weyn ee laga soo galo lagana baxo caasimadda, ayna maraan madaxda dowladda, siyaasiyiinta, saraakiisha ciidamada, diblomaasiyiinta iyo dadka safarka ah.

Sidaas darteed, taliyaha NISA ee garoonka ayaa door muhiim ah ku leh howlaha amniga, baaritaanka iyo la socodka dadka iyo dhaqdhaqaaqyada ka socda gudaha garoonka.

Wararka hordhaca ah ayaa magaca sarkaalka cusub ku sheegay Korneyl Khaalid Ciidow, waxaana la sheegay inuu horay uga soo shaqeeyay xilka Agaasimaha Xarumaha Dowladda.

Isbeddellada ka dhex socda NISA ma aha kuwo cusub. Sanadihii lasoo dhaafay waxaa hay’adda lagu sameeyay xil-ka-qaadisyo iyo magacaabisyo kala duwan, gaar ahaan markii ay is beddeleen agaasimayaasha hay’adda.

Tusaale ahaan, sanadkii 2024 Agaasimihii xilligaas Cabdullaahi Maxamed Cali Sanbaloolshe ayaa sameeyay isbeddel ballaaran oo ay kamid ahayd in xilka Taliyaha NISA ee Garoonka Aadan Cadde loo magacaabo Cabdullaahi Xaayow, iyadoo xilka laga qaaday Xamdi.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here