Ciidamada dowladda Soomaaliya oo howlgal qorsheysan oo ka dhan ah Al-Shabaab ka sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.

0
18

Ciidamada dowladda Federaalka ayaa howlgallo qorsheysan oo ay xoojiyeen Al-Shabaab waxa ay ka wadaan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Hoose ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed.

Howlgallada adag ayaa lagu soo waramayaa in ay ka socdaan deegaanada u dhaxeeya magaalada Marka iyo Nambar 50 sida ay Mustaqbal u xaqiijiyeen ilo kala duwan oo ku dhow dhow.

Ciidamada ayaa howlgalka qeyb ka ah waxa ay sidoo kale baaris ku sameynayaan wadada dheer ee xiriirisa No.50 iyo magaalada Marka ee xarunta gobolka Shabeelaha Hoose.

Maalmihii la soo dhaafay waxaa deeganada No.50 ka socday shirar abaabulan oo looga hadlayay amniga gobolka Shabeelaha Hoose ee maamulka Koonfur Galbeed.

Ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo taageero dhanka cirka ah ka hela saaxiibada caalamiga ah iyo kuwa deegaanka ee abaabulan ee loo yaqaano Macawisley ayaa weeraro qorsheysan ka fuliya inta badan goobaha ay kooxda Al-Shabaab fariisimo ku leeyihiin. Howlgallada noocaan oo kale ah ayaa dagaalyahannada AS looga saaray saldhigyadii ay ku sugnaayeen, waxaana laga xoreeyay deegaanno dhowr ah oo ay ku jiraan deegaanno ay kooxdu ka talinaysay muddo tobanaan sano ah.

Bulshada Soomaaliyeed iyo madaxdooda ayaa gacmaha isqabsaday si ay u xoojiyaan howlgallada iyo taageerada ay ciidamada dowladda ka geystaan ​​howlgallada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here