Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa maanta gaaray magaalada Ballanbale ee gobolka Galgaduud, halkaas oo uu kaga qeybgalayo dadaallada lagu soo afjarayo khilaaf beeleed muddooyinkii dambe ka jiray deegaanka.
Booqashada Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta ayaa kusoo beegmaysa xilli dowladda Federaalka ay waddo dadaallo lagu dhex-dhexaadinayo dhinacyada ay colaadaha u dhexeeyeen, iyadoo wada-hadallada socda lagu doonayo in lagu gaaro heshiis lagu soo afjaro khilaafka.
Xamse Cabdi Barre ayaa la filayaa inuu ka qeyb galo munaasabadda lagu soo xirayo geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta, iyadoo wakiillo ka kala socda dhinacyada khilaafku u dhexeeyo la filayo inay kala saxiixdaan heshiis lagu xoojinayo nabadda iyo xasilloonida deegaanka.
Heshiiska ayaa sidoo kale lagu doonayaa in lagu yareeyo khatarta iska horimaadyo kale oo hubeysan, kuwaas oo horey u sababay dhimasho, dhaawac iyo barakac soo gaaray dadka deegaanka.
Gobolka Galgaduud ayaa muddooyinkii lasoo dhaafay waxaa ka dhacay dagaallo beeleed iyo dilal aargoosi ah, kuwaas oo si gaar ah u saameeyay bulshada xoolo-dhaqatada ah.
Dadaallada dib-u-heshiisiinta ee ka socda Ballanbale ayaa diiradda lagu saarayaa sidii loo dejin lahaa xiisadaha, dib loogu soo celin lahaa isu-socodka bulshada iyo sidii dadka deegaanka looga yareyn lahaa cabsi iyo walaac ka dhashay colaadaha.
Dhanka kale, ilo ku dhow safarka Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta ayaa sheegay in Xamse Cabdi Barre uu booqan doono qaar ka mid ah xeryaha ciidamada dowladda Federaalka ee ku yaalla gobolka Galgaduud.
Ra’iisul Wasaaraha Xilgaarsiinta Soomaaliya ayaa la filayaa inuu warbixinno ka dhageysto saraakiisha ciidamada, isla markaana uu la kulmo ciidamada ku sugan xeryahaasi.
Booqashada Ballanbale ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo nabadda iyo amniga gobolka, iyadoo dowladda Federaalka ay dooneyso in xal waara laga gaaro khilaafaadka beelaha iyo colaadaha soo noqnoqda.
Shacabka deegaanka ayaa rajo ka muujinaya in wada-hadallada socda iyo heshiiska la filayo in la saxiixo ay horseedaan nabad waarta, isla markaana ay soo afjaraan colaadaha iyo aargoosiga muddada dheer saameeyay bulshada.
Waxaa hadda la sugayaa natiijada kama dambaysta ah ee geeddi-socodka dib-u-heshiisiinta iyo tallaabooyinka xiga ee lagu dhaqangelinayo heshiiska ay dhinacyadu gaaraa



