Cabdirashiid Xasan Cabdinuur (Janan) ayaa maanta si buuxda u wareejiyay ciidamadii uu watay ee ku sugnaa degmada Baladxaawo ee gobolka Gedo, kaddib wadahadallo saacado qaatay oo uu la yeeshay saraakiil ka socotay maamulka Jubbaland.
Janan ayaa saaka diyaarad milatari oo ay leedahay dowladda Kenya ka raacay magaalada Mandheera, isaga oo ku sii jeeday magaalada Nairobi, kaddib markii uu soo dhammeystiray qorshaha wareejinta ciidamada ku sugnaa Baladxaawo.
Saraakiil u badan ciidamada sirdoonka maamulka Jubbaland ayaa gaaray goobihii ay ku sugnaayeen ciidamada ka amar qaata Cabdirashiid Janan. Ciidamadaas ayaa horay uga tirsanaa ama uga diiwaangashanaa dowladda Federaalka Soomaaliya, xilligii uu Janan ahaa taliyaha NISA ee gobolka Gedo.
Tallaabadan ayaa ka dhigan in maamulka Jubbaland uu si buuxda ula wareegay gacan ku haynta degmada Baladxaawo, muddo sannad iyo dhowr bilood ah kaddib, sida ay sheegayaan xogaha laga helayo arrintan.
Wareejinta ciidamada ayaa dhacday iyada oo aan dagaal la soo sheegin, iyadoo xiisaddii muddada ka taagnayd degmada lagu soo afjaray wadahadallo dhexmaray labada dhinac.
Dhanka kale, waxaa la sheegayaa in Cabdirashiid Janan uu magaalada Nairobi kula kulmi doono mas’uuliyiin ka tirsan dowlad-goboleedka Jubbaland, si loo dhammaystiro heshiiska hordhaca ah ee ay labada dhinac gaareen, sida ay tilmaamayaan xogaha laga helayo wadahadallada.



