Home WARARKA $4 Milyan oo Dollar oo Loo Wadey Burcad-badeedda Afduubatay Markab ku Sugan...

$4 Milyan oo Dollar oo Loo Wadey Burcad-badeedda Afduubatay Markab ku Sugan Xeebaha Mudug oo la Sheegay in la Lunsaday

4
0
Screenshot

Warar laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in lacag dhan 4 milyan oo dollar oo la sheegay in loo waday burcad-badeed afduubatay markab shidaal sida oo ku sugan xeebaha gobolka Mudug, la lunsaday xilli lacagta la gaarsiiyay degmada Xarardheere.

Sida xogta la helay tilmaamayso, lacagta ayaa laga soo qaaday magaalada Muqdisho, waxaana la sheegay in loo qaaday Xarardheere si loogu adeegsado wada-xaajoodka la xiriira markabka la afduubtay.

Wararka ayaa sheegaya in lacagta laga qaaday Muqdisho maalintii Axadda, 11-ka bishan, iyadoo lagu raray gaari nooca loo yaqaan Leylo Calaawi ah. Gaariga ayaa la sheegay inay galbinayeen dhowr gaari oo Cabdi-bile ah oo ay saarnaayeen ciidamo milatari ah, waxaana kolonyada la socday sarkaal sare oo lagu sheegay inuu ka tirsan yahay taliska sirdoonka ciidanka xoogga dalka.

Lacagta ayaa la sheegay in habeenkii 12-ka bishan la geeyay degmada Xarardheere ee gobolka Mudug, halkaas oo markii dambe lagu wareejiyay laba nin oo ganacsato ah. Sida xogtu tilmaamayso, ganacsatadan ayaa xiriir la lahaa dhinacyada ku lugta leh wada-xaajoodka burcad-badeedda, dowladda iyo ganacsatada markabka iska leh.

Wararka la helay ayaa intaas ku daraya in gelinkii dambe ee Isniintii lacag dhan 3.5 milyan oo dollar loo dhiibay laba nin oo loo xilsaaray inay sii qaadaan. Labadan nin ayaa la sheegay in midkood uu askari ahaa, halka 500,000 oo dollar ay reebteen dad lagu tilmaamay dulaaliin ku lug lahaa heshiiska.

Sida xogta la helay lagu sheegay, labada nin ayaa markii ay ka baxeen Xarardheere gaaray meel u dhexeysa Xarardheere iyo Ceel Huur oo lagu magacaabo Xiindawaco, halkaas oo ay doonidii uga dageen, kaddibna ay la wareegeen gaari la sheegay in halkaas loogu sii diyaariyay. Labada nin ayaa la sheegay inay lacagtii ula baxsadeen meel aan weli si rasmi ah loo ogeyn.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegay in raggaas markii ugu dambeysay lagu tuhmay inay ku sugnaayeen agagaarka Xinlebi, iyadoo ay jiraan warar sheegaya inay u baxsadeen dhanka deegaannada ay ku sugan yihiin kooxda Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, lama xaqiijin halka ay hadda joogaan iyo halka ay ku dambeysay lacagta la sheegay in lala baxay.

Dhanka kale, wararka ayaa sheegaya in gacanta lagu hayo qaar ka mid ah dadkii lagu tuhunsanaa inay lacagta geeyeen Xarardheere, waxaana la sheegay inuu ku jiro darawalkii waday gaariga Leylo Calaawi. Weli lama shaacin faahfaahin rasmi ah oo ku saabsan dadka la hayo iyo baaritaanka lagu sameynayo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here