Jabuuti oo diiday in Itoobiya ay si buuxda u maamusho Dekadda Tadjoura waxayna bixisay heshiis maamul oo wadajir ah.

0
22

Jabuuti ayaa ku dhawaaqday in aysan Itoobiya si buuxda u maamulin Dekedda Tadjoura, iyadoo taa beddelkeeda bixisay heshiis maamul oo wadajir ah oo lagu xaqiijinayo xiriirka ganacsi ee labada dal. Go’aankani waxa uu meesha ka saarayaa qorshayaashii hore ee ahaa in kormeer dhammaystiran loogu wareejiyo Itoobiya.

Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa caddeeyay in iyada oo Itoobiya aan 100% la siin doonin maamulka dekedda. “Weligay ma dhihin waan iibinay ama ku wareejinay dekedda, waxa aan soo jeedineyno waa in si wadajir ah loo maamulo Tadjoura si loo ilaaliyo socodka ganacsiga Itoobiya,” ayuu Yuusuf ku yiri hadal uu soo saaray.

Dekadda Tadjoura oo ay dhistay Jabuuti 60 milyan oo dollar, ayaa la daalaa dhacaysa kharashaadka ku baxaya shaqada, gaar ahaan mushaharka shaqaalaha. Yuusuf waxa uu ku micneeyey inay dawladdu doonayso inay dekedda ka dhigto goob ganacsi si aanay Itoobiya uga leexan marinkeeda ganacsi ee ay ku wareejinayso dekedaha ay jaarka yihiin ee Somaliland iyo Ereteriya.

Dekadda Casab ee dalka Ereteriya oo la filayo in dhawaan dib loo furo, waxa laga yaabaa in qaar ka mid ah shixnadaha Itoobiya loo wareejiyo halkaas, halka ganacsiga Somaliland uu sidoo kale balaadhi karo. “Waxaan rabnaa in aan hubinno in Jabuuti ay sii haysato saamiga weyn ee ganacsiga Itoobiya,” Yuusuf ayaa ku nuuxnuuxsaday.

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa horay ugu soo jeediyay fikradda ah in Itoobiya si buuxda u maamusho deked si loo qaboojiyo xiisadda u dhaxeysa Itoobiya iyo Soomaaliya. Si kastaba ha ahaatee, Yuusuf wuxuu caddeeyay in iyadoo Jabuuti ay diiradda saarayso iskaashiga ganacsiga iyo dhaqaalaha, Itoobiya aan la siin doonin saldhig ciidan. Iyada oo u siisay Itoobiya marin u helka Dekedda Tadjoura, Jabuuti waxa ay rajaynaysaa in ay sii ahaato mawqifkeeda ah albaabka koowaad ee Itoobiya ee dhinaca badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here