Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Oo Maanta Dhagax Dhigay Dib U Dayactir iyo Dhisme Lagu Sameynayo Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya.

0
19

Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, Xamza Cabdi Barre, ayaa maanta dhagax-dhigay dib u dayactir iyo dhismo lagu dhisayo xarunta wasaaradda arrimaha gudaha ee Soomaaliya, taasoo burbursaneyd 33-kii sano ee u dambeeyay.

Tani waa tallaabo muhiim ah iyadoo kor u qaadi doonta awoodda shaqo si ay u suurtageliso in wasaaradda arrimaha gudaha oo burbursan dhowr sano ay si hufan oo hufan u gudato waajibaadkeeda shaqo.

Xarunta dhexe ee wasaaraddu waxay udub dhexaad u noqon doonta isku xirka hawlaha wasaarada ee caasimada si loo hubiyo habsami u socodka hawlaha wasaarada.

Wasaaradda arrimaha gudaha ayaa sheegtay inay ka go’an tahay horumarinta adeegyada wasaaradda iyo sidii loo xoojin lahaa
dadaalka lagu hubinayo adeegyada la bixiyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here