Baaritaan ay Al Jazeera sameysay ayaa soo bandhigay saameynta duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya ku yeesheen qoysas rayid ah, iyadoo dad ka badbaaday weerarro ka dhacay agagaarka Jamaame ay sheegeen in ay ku waayeen ehelladoodii, ku dhaawacmeen ama ay ku barakaceen.
Baaritaanka oo la daabacay maanta 20-ka Oktoobar ayaa imaanaya xilli hawlgallada cirka ee Mareykanka ee Soomaaliya ay si weyn u kordheen intii uu Donald Trump madaxweynaha ahaa.
Xogta taliska Mareykanka ee Afrika (AFRICOM) ayaa muujineysa in la fuliyay 84 duqeyn ilaa dhammaadkii Sebtembar 2026, halka hay’adda New America Foundation ay diiwaangelisay 88 duqeyn muddadaas.
Baaritaanka ayaa si gaar ah diiradda u saaray duqeymo iyo dagaallo ka dhacay agagaarka Jamaame bishii Nofeembar 2025, kuwaas oo qoysas deegaanka ah ay sheegeen in ay sababeen dhimasho iyo dhaawac soo gaaray dad rayid ah.
Haweeney lagu magacaabo Maryan Xaaji Cabdi Guuleed, ayaa sheegtay in saddex ka mid ah lixdeeda carruur ah ay ku dhaawacmeen duqeymaha. Wiilkeeda Cabdulqaadir Saalax oo toddoba jir ah ayaa firir bir ah kaga jiray jirka, waxaana qoyska ay muddo ku dhibtoodeen helitaanka daryeel caafimaad.
Baaritaanka ayaa sidoo kale soo bandhigay xaaladda Cali Aadan Boroow, oo sheegay in xaaskiisa oo sagaal bilood uur lahayd iyo ilmaheedii uurka ku jiray ay ku dhinteen weerarka. Qoys kale, oo uu hoggaamiyo Nuur Cali Nuur, ayaa sheegay in xaaskiisu ay naafo ka noqotay dhaawacyo ka soo gaaray duqeymaha.
Shabakad ay hoggaamiso hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa diiwaangelisay dhimashada 12 qof oo rayid ah intii u dhexeysay 16-kii iyo 18-kii Nofeembar 2025, iyadoo sidoo kale sheegtay in 22,800 oo qof ay ka barakaceen Jamaame iyo deegaannada ku dhow saddex maalmood gudahood.
AFRICOM ayaa Al Jazeera u sheegtay in baaritaankeeda ku saabsan wararka sheegaya dhimashada 10 ilaa 12 qof oo rayid ah iyo burburka guryo iyo goobo ganacsi uusan helin caddayn ku filan oo lagu go’aamiyo in hawlgallada Mareykanku ay u badan tahay in ay sababeen khasaarahaas.
Al Jazeera ayaa sidoo kale soo bandhigtay su’aalo ku saabsan habka loo aqoonsado bartilmaameedyada duqeymaha. Kiis kale oo ka dhacay gobolka Sanaag, AFRICOM ayaa sheegtay in ay duqeysay Cumar Cabdullaahi, oo ay ku tilmaantay ganacsade hubka u qaabilsan Al-Shabaab. Hase yeeshee, waaxda dembi-baarista Puntland ayaa sheegtay inuusan lahayn diiwaan dembiyeed, halka wasiirka difaaca Soomaaliya uu su’aal geliyay sababta loo beegsaday.
AFRICOM si toos ah ugama jawaabin su’aalihii Al Jazeera ka weydiisay caddaynta ay ku saleysay eedeynta Cumar iyo in dib loo eegay go’aanka lagu beegsaday.
Hay’adda Airwars ayaa diiwaangelisay ugu yaraan 216 qof oo rayid ah oo lagu dilay ama lagu dhaawacay duqeymaha Mareykanka ee Soomaaliya intii u dhexeysay 2007 iyo dhammaadkii May 2025. Tiradani waxay ku saleysan tahay kiisaska ay hay’addu diiwaangelisay, mana aha qiyaas muujineysa khasaaraha oo dhan.
Baaritaanka ayaa xusay in Mareykanku uu kordhiyay awoodda taliyeyaasha milatariga ee ansixinta duqeymaha, halka saraakiisha Mareykanku ay sheegeen in hawlgalladu bartilmaameedsanayaan Al-Shabaab iyo kooxda Daacish ee Soomaaliya.



