Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Axmed Macalin Fiqi ayaa mar kale ka hadlay shirka 162-aad ee Golaha Jaamacadda Carabta oo ka furmay magaalada Qaahira ee dalka Masar sida ay uga go’an tahay difaaca qaranimadeeda. Hadalkiisa, ayaa ku soo beegmaya, intii uu socday Shirkii Saddexaad ee Kooxda Wada-shaqeynta Carabta, waxa uu si kulul u cambaareeyey Heshiiska ay Itoobiya la gashay Maamul-goboleedka Somaliland, oo ay Muqdisho u aragto mid xad-gudub ku ah Madax-bannaanida Dhulkeeda. Kalfadhiga waxaa isugu yimid wasiirro muhiim ah oo ka tirsan Jaamacadda Carabta, kuwaas oo si naadir ah u muujiyey taageerada wadajirka ah, waxay taageereen diidmada Soomaaliya ee heshiiska, taasoo sii xoojisay xiisadda gobolka ee ku aaddan saameynta sii kordheysa ee Itoobiya ee Geeska Afrika.
Intii uu socday kulanka, wasiirro ka tirsan Jaamacadda Carabta oo ay ku jiraan wakiillo ka socday Sacuudiga, Jabuuti, Masar, iyo Mauritania ayaa ka dhawaajiyay inay taageerayaan midnimada dhuleed ee Soomaaliya. Wasiiradu waxay si wada jir ah u soo saareen bayaan ay ku diiddan yihiin cawaaqibka sharci, siyaasadeed iyo ciidan ee ka dhalan kara heshiiska Itoobiya iyo Somaliland, waxaanay ku celceliyeen in Somaliland weli tahay qayb ka mid ah Soomaaliya, go’aan kastana uu ku yimaado wada hadal gudaha Soomaaliya ah. Jaamacadda Carabta ayaa sheegtay in taageerada ay siiso Soomaaliya ay salka ku hayso mabaadi’da Axdiga Jaamacadda Carabta iyo Qaramada Midoobay, iyagoo caddeeyay in aan loo dulqaadan doonin cadaadiska dibadda ah ee lagu hayo dalka. Wasiirradu waxay ku celceliyeen inay si buuxda u taageersan yihiin madaxbannaanida iyo xasilloonida Soomaaliya, waxayna garwaaqsadeen muhiimadda istaraatiijiyadeed ee nabadda gobolka.
Taageerada wadajirka ah ee Jaamacadda Carabta ayaa timid kadib markii Masar ay ballaarisay raadka ay ku leedahay Soomaaliya, taasoo sare u qaaday xiisadda kala dhexeysa Itoobiya. 1,000-askari oo Masar ku soo daabushay Muqdisho iyo qorshaha dhoolatuska milateri ee wadajirka ah ee ay la sameynayaan ciidamada Soomaaliya ayaa muujinaya xoojinta iskaashiga milateri ee labada dal. Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa walaac ka muujiyay saameynta Masar ay ku leedahay Soomaaliya oo sii kordheysa, isagoo ka digay in Itoobiya ay si adag u difaacdo qaranimadeeda khataraha shisheeye.
Iyadoo digniinahaasi ay jiraan, haddana Itoobiya waxay ka dhego adaygtay baaqii Jaamacadda Carabta ee ahaa in la baabi’iyo heshiiska, iyadoo u aragta ku lug lahaanshaha Jaamacadda inay faragelin ku hayso arrimaheeda gudaha.
Heshiiska ay Itoobiya la gashay Somaliland ee ay Somaliland ku kiraysay 20 kiiloo mitir oo muran badan ka taagan yahay, si ay taageero dublamaasiyadeed ugu hesho madax-bannaanida Somaliland, ayaa salka ku haya khilaafka. Soomaaliya ayaa cambaareysay heshiiskaas oo ay ku tilmaantay mid lagu weerarayo madax banaanideeda. Heshiiskan oo Itoobiya siinaya fursad ay ku hesho badda cas, ayaa loo arkaa tallaabo istiraatiji ah oo ay Itoobiya ku doonayso inay ku xaqiijiso deked ka dib markii ay muddo tobanaan sano ah bad la’aan ahayd. Damaca Itoobiya ee ku aadan Badda Cas ayaa sii xumeeyay xiriirka Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo Soomaaliya ay ku hanjabtay in ay dalka ka saari doonto ciidamada Itoobiya ee qeybta ka ah howlgalka Midowga Afrika.
Jabuuti, oo ah dal jaar ah, xubinna ka ah Jaamacadda Carabta, kuna tiirsan dhaqaalaha dekedda, ayaa isku dayday inay dejiso xiisadda, iyadoo u soo bandhigtay Itoobiya “100%” inay hesho mid ka mid ah dekedaheeda. Wasiirka arrimaha dibadda Jabuuti ayaa soo jeediyay in tani ay Itoobiya siinayso beddelka heshiiska Somaliland, iyada oo ujeeddadeedu tahay in la qaboojiyo xiisadda juqraafiyeed ee khatarta ku ah xasilloonida gobolka. Si kastaba ha ahaatee, Itoobiya ayaa weli diiradda saaraysa sidii ay u sugi lahayd marinka tooska ah ee loo maro Badda Cas ee Somaliland.
Muranka Soomaaliya iyo Somaliland waxa uu ku soo beegmayaa iyadoo la odhan karo khilaaf aad u wayn oo u dhexeeya Masar iyo Itoobiya ee ku saabsan biyo xidheenka Grand Ethiopian Renaissance Dam (GERD). Biyo-xireenkan laga dhisay wabiga Buluugga ah, ayay Itoobiya u aragtaa mid muhiim u ah horumarkeeda dhaqaale, halka Masar ay u aragto mid khatar ku ah ammaanka biyaha. Diidmada Itoobiya ee ah in ay saxiixdo heshiis sharci ah oo ku saabsan howlgalka biya-xireenka ayaa keentay in Masar ay sii kordhiso cadaadiska ay la kaashaneyso Soomaaliya, taasoo ah tallaabo istiraatiiji ah oo Itoobiya ku qasbi karta wadahadal.
Shirarkii hore ee Jaamacadda Carabta, Soomaaliya waxa ay si joogto ah u raadinaysay in ay gobolka ka taageerto khilaafka kala dhexeeya Itoobiya ee ku saabsan maqaamka Somaliland. Kulamadan ayaa Jaamacadda Carabta waxa ay ku sheegtay in ay si hagar la’aan ah u taageersan tahay madax banaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya, iyadoo cambaareysay heshiis kasta oo wax u dhimaya midnimada Qaranka Soomaaliya. Go’aamadii hore, sida kii daba socday fadhigii degdega ahaa ee January 2024 ka dib ku dhawaaqistii Is-afgaradka, ayaa lagu cambaareeyey heshiiska badda ee Itoobiya iyo Somaliland oo ay ku tilmaameen mid xad-gudub ku ah shuruucda caalamiga ah. Kulamadan ayaa ahaa kuwo udub dhexaad u ahaa adkaynta mucaaradka gobolka ee ka soo horjeeda dhaqdhaqaaqyada Itoobiya.