Home WARARKA Imaaraadka oo cambaareeyay tallaabooyinka dowladda Soomaaliya ka qaaday

Imaaraadka oo cambaareeyay tallaabooyinka dowladda Soomaaliya ka qaaday

6
0

Dowladda Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa cambaareysay tallaabooyinka dowladda Soomaaliya ay ka qaaday, iyadoo sheegtay in mowqifka Muqdisho uu dhaawacayo xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa lagu sheegay in go’aannada saameynaya xiriirka labada dowladood ay tahay in lagu saleeyo danaha wadajirka ah, isla markaana laga fogaado in khilaafaadka siyaasadeed ee gudaha lagu dhex daro xiriirka labada dal.

Imaaraadka ayaa sheegay inuu ka xun yahay waxa uu ku tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay dalka ku dhex dartay khilaafaadkeeda gudaha ee la xiriira siyaasadda iyo loollanka awoodda, isagoo ka digay in arrintaasi ay saameyn ku yeelan karto danaha labada shacab.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa sidoo kale sheegtay in bishii Janaayo 2026 ay xirtay safaaraddeeda Muqdisho, isla markaana ay dalka kala baxday dhammaan shaqaalaheedii diblomaasiyadeed, kadib markii ay soo baxeen tallaabooyin ay ku tilmaantay kuwo colaadeed oo dowladda Soomaaliya ku qaaday Imaaraadka, kuwaas oo ay ku jiraan go’aannadii lagu baabi’iyay heshiisyadii labada dal.

Khilaafka Muqdisho iyo Abu Dhabi ayaa sii xoogeysanaya kadib markii dowladda Soomaaliya ay dhawaan ku amartay safiirka Imaaraadka inuu dalka ka baxo muddo 72 saacadood gudahood ah, iyadoo sidoo kale u yeeratay safiirkeedii u fadhiyay Abu Dhabi.

Dowladda Soomaaliya ayaa tallaabooyinkeeda ku salaysay eedeymo la xiriira faragelin iyo arrimo ay ku tilmaantay kuwo dhaawacaya madax-bannaanida iyo danaha qaranka, halka Imaaraadka uu ka horyimid mowqifka Muqdisho.

Dhanka kale, Imaaraadka ayaa sheegay inuu weli qadarin weyn u hayo shacabka Soomaaliyeed, isagoo xusay xiriirka ka dhexeeya labada shacab, gaar ahaan Soomaalida ku nool Imaaraadka iyo kuwa booqda dalkaas.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Imaaraadka ayaa sheegtay inay ka go’an tahay ilaalinta xiriirka shacabka labada dal iyo xoojinta danaha ay wadaagaan, inkastoo khilaafka siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Muqdisho iyo Abu Dhabi uu sii xoogeysanayo

May be an image of ticket stub and text

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here