Home WARARKA Hirshabelle oo hubka ka mamnuucday Garoonka Ugaas Khaliif kadib dagaalkii Beledweyne

Hirshabelle oo hubka ka mamnuucday Garoonka Ugaas Khaliif kadib dagaalkii Beledweyne

3
0

Maamulka Hirshabelle ayaa mamnuucay in hub lala galo Garoonka Diyaaradaha Ugaas Khaliif ee magaalada Beledweyne, kadib iska horimaadyo dhexmaray ciidamada Jabuuti ee AUSSOM iyo maleeshiyaad deegaanka ah.Go’aankan ayaa yimid kadib xiisaddii iyo dagaalkii ka dhacay garoonka Khamiistii, kaas oo sababay dhimasho iyo dhaawac, isla markaana hakad geliyay xaaladda amni ee garoonka.

Madaxtooyada Hirshabelle ayaa fartay ciidamada AUSSOM iyo ciidamada qalabka sida inaysan oggolaan qof hubeysan inuu hub la galo garoonka Ugaas Khaliif.Maamulka ayaa sheegay in tallaabadan looga gol leeyahay ilaalinta amniga garoonka iyo ka hortagga isku dhacyo kale oo ka dhaca xarunta muhiimka u ah isu-socodka dadka iyo gaadiidka.

Maamulka Hirshabelle ayaa sheegay in amniga garoonka dib loo soo celiyay, isla markaana ay ilaalinayaan ciidamada AUSSOM iyo kuwa dowladda. Sidoo kale, waxaa la sheegay in ciidamadii deegaanka ee Dulmi-diid ay garoonka ka baxeen kadib wada-hadallo dhexmaray saraakiisha iyo dhinacyada ku lugta lahaa.

Garoonka Ugaas Khaliif ayaa ah xarun muhiim u ah isu-socodka dadka, mas’uuliyiinta dowladda iyo gaadiidka cirka ee taga magaalada Beledweyne, sidaas darteedna xaalad kasta oo amni darro ah oo ka dhacda garoonka waxay saameyn ku yeelan kartaa isu-socodka iyo adeegyada ay bulshada u baahan tahay.

Wararka laga helay Beledweyne ayaa sheegay in dagaalka uu qarxay xilli ciidamada deegaanka ee loo yaqaan Dulmi-diid ay u dhaqaaqeen garoonka, iyagoo doonayay inay ka hortagaan diyaarado la sheegay inay Muqdisho ka keeni lahaayeen ciidamo dheeraad ah oo ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya.

Iska horimaadka garoonka Ugaas Khaliif ayaa kusoo aadaya xilli magaalada Beledweyne ay ka taagan tahay xiisad siyaasadeed oo la xiriirta hoggaanka maamulka Hirshabelle iyo khilaafka ka dhex jira siyaasiyiinta iyo waxgaradka gobolka Hiiraan.

Qaar ka mid ah siyaasiyiinta iyo hoggaanka dhaqanka ee gobolka ayaa diiddan habkii loo maareeyay doorashadii hoggaanka Hirshabelle, iyagoo tabashooyin ka qaba matalaadda gobolka Hiiraan iyo awood-qaybsiga maamulka.

Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan Ugaas Khaliif ayaa hore ugu baaqay ciidamada deegaanka ee kasoo jeeda Hiiraan inay isugu yimaadaan Beledweyne, taas oo sii kordhisay walaaca laga qabo in khilaafka siyaasadeed uu isu beddelo iska horimaad militari.

Go’aanka lagu mamnuucay in hub lala galo garoonka Ugaas Khaliif wuxuu noqon karaa tallaabo lagu doonayo in garoonka laga ilaaliyo inuu mar kale noqdo goob ay ku dagaallamaan ciidamo kala amar qaata.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here