Home WARARKA Madaxtooyada oo la sheegay inay dabagal ku hayso saraakiishii hoggaaminaysay Hawlgalka Banooda,...

Madaxtooyada oo la sheegay inay dabagal ku hayso saraakiishii hoggaaminaysay Hawlgalka Banooda, saraakiilna la xiray

18
0

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Madaxtooyada Soomaaliya ay waddo dabagal iyo baaritaan la xiriira saraakiishii hoggaaminaysay hawlgalka Banooda, iyadoo la sheegay in tallaabooyin laga qaaday qaar ka mid ah saraakiisha sare ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo shaqaale kale oo ka tirsan taliska.

Xogaha la helayo ayaa tilmaamaya in la xiray G/Sare Cadow Maxamed Sahal, oo la sheegay inuu ahaa taliyihii guud ee hawlgalka Banooda, isla markaana ah Madaxa Waaxda Kormeerka Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed.

Dabagalka la sheegay inuu socdo ayaa la sheegay inuu ku wajahan yahay saraakiil kala duwan oo ka tirsan taliska ciidanka, kuwaas oo qaarkood lagu sameeyay su’aalo la xiriira hawlgalkii Banooda iyo xogaha laga helay dhacdada.

Wararka ayaa sheegaya in su’aalo la weydiiyay saraakiil iyo jeneraalo muhiim ah oo ka tirsan taliska Ciidanka Xoogga Dalka, kuwaas oo ay ku jiraan xubno la sheegay inay booqdeen ciidamadii kasoo laabtay deegaanka Leego.

Baaritaanka ayaa la sheegay inuu ku fidsan yahay dhinacyo kala duwan oo la xiriira maamulka, hoggaaminta iyo xogaha ku saabsan hawlgallada ciidamada, iyadoo aan weli si rasmi ah loo shaacin faahfaahinta buuxda ee baaritaanka iyo sababaha gaarka ah ee saraakiisha qaar loo xiray ama su’aalo loo weydiiyay.

Dabagalka hadda la sheegay inuu socdo ayaa sidoo kale dib u soo nooleeyay dood ku saabsan sida dowladda Soomaaliya ula tacaasho dhacdooyinka iyo khasaaraha ka dhasha hawlgallada ciidamada ee ka dhanka ah Al-Shabaab.

Hawlgalladii laga fuliyay deegaannada Aadan Yabaal, Cawswayne ilaa Caad ayaa waxaa hore u jiray su’aalo iyo hadal-heyn ku saabsan isla xisaabtanka, baaritaanka dhacdooyinka iyo in saraakiishii masuulka ka ahayd hawlgalladaas lala xisaabtamay.

Dadka ka hadlaya arrintan ayaa isbarbardhigaya baaritaanka hadda la sheegay inuu ka socdo hawlgalka Banooda iyo dhacdooyinkii hore, iyagoo su’aal ka keenaya sababta baaritaanno qaarkood ay u muuqdaan kuwo si ka duwan kuwa kale loo wajahayo.

Waxaa sidoo kale la sheegay in dowladda ay qorsheyneyso in maxkamadeynta xubnaha loo xiray dhacdadii Leego loo furo dadweynaha, inkastoo aan weli si rasmi ah loo shaacin waqtiga la qabanayo iyo faahfaahinta habraaca maxkamadda.

Xogaha la helayo ayaa intaas ku daraya in dad kale oo ka tirsan shaqaalaha taliska la xirxiray, kuwaas oo la sheegay in loo haysto inay bannaanka u saareen macluumaad la xiriira hawlgallada iyo arrimaha gudaha ee ciidanka.

Arrintan ayaa muujineysa in baaritaanka la sheegay inuu socdo uusan ku koobneyn saraakiisha hoggaanka, balse uu sidoo kale taabanayo shaqaalaha iyo xubnaha kale ee laga shakisan yahay inay qayb ka yihiin faafinta xogaha gudaha.

Si kastaba, ilaa hadda ma jiraan faahfaahin rasmi ah oo si madax-bannaan u xaqiijinaysa tirada dadka la xiray, eedeymaha loo haysto iyo halka lagu hayo.

Dabagalka la sheegay inuu ka socdo Madaxtooyada ayaa kusoo aadaya xilli dalka ay ka socdaan hawlgallo ciidan oo ka dhan ah Al-Shabaab, isla markaana ay jiraan dooddo ku saabsan habka loo maareeyo hawlgallada, khasaaraha ciidamada iyo isla xisaabtanka saraakiisha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here