Saraakiisha ciidamada Maraykanka ee dhawaan ka baxay saldhigga Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa la sheegay inay dib ugu laabanayaan saldhigga, kadib markii shirkad amni oo Maraykan ah oo Soomaaliya ka shaqeysa ay heshay qandaraas cusub oo la xiriira tababarka iyo taageerada ciidamada Soomaaliyeed.
Xogaha la helayo ayaa sheegaya in saraakiisha Maraykanka ay qorsheynayaan inay toddobaadkan dib uga howlgalaan Balidoogle, iyadoo sidoo kale la bilaabay qorista dufcado cusub oo ka tirsan ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Danab, kuwaas oo taageero iyo tababar ka heli doona dhinaca Maraykanka.
Shirkadda Bancroft Global Development, oo muddo ka shaqeyneysay Soomaaliya dhinacyada tababarka ciidamada, taageerada amniga iyo horumarinta awoodda ciidamada, ayaa la sheegay inay heshay qandaraaska cusub ee suuragelinaya dib u bilaabashada howlaha saldhigga.
Shirkadda Bancroft Global Development ayaa muddo ku lug lahayd taageerada iyo tababarka ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamada Danab oo door muhiim ah ku leh dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Dib u bilaabashada howlaha la sheegay inay ka dhacayaan Balidoogle ayaa la xiriiri karta qorshaha lagu sii xoojinayo awoodda ciidamada Danab, kuwaas oo inta badan loo adeegsado hawlgallada gaarka ah iyo dagaalka ka dhanka ah kooxaha hubeysan.
Qorista dufcado cusub oo Danab ah ayaa sidoo kale muujin karta in qorshaha tababarka ciidamada Soomaaliyeed uu sii soconayo, iyadoo la doonayo in la kordhiyo awoodda ciidanka, xirfadaha dagaalka, howlgalka gaarka ah iyo la shaqeynta ciidamada kale ee amniga.
Saldhigga Balidoogle ee gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka mid ah goobaha muhiimka u ah howlaha tababarka iyo taageerada ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan ciidamada Danab.
Saldhigga ayaa muddo dheer lala xiriirinayay taageerada milatari ee Maraykanka, waxaana dib u soo laabashada saraakiisha Maraykanka, haddii xogaha hadda la helayo ay xaqiiqo noqdaan, ay muujin kartaa in xiriirka taageerada milatari ee labada dhinac uu sii socdo, inkastoo dhawaan la sheegay inay saldhigga ka baxeen saraakiil iyo shaqaale Maraykan ah.
Arrintan ayaa sidoo kale kusoo aadaysa xilli Soomaaliya ay ku jirto marxalad dib u habeyn lagu sameynayo qaab dhismeedka ciidamada, iyadoo dowladda Federaalka ay ku tiirsan tahay taageero ay ka hesho saaxiibada caalamiga ah si ay u xoojiso awoodda ciidamada iyo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab.
Maraykanka ayaa muddo dheer ka mid ahaa saaxiibada muhiimka ah ee Soomaaliya dhinaca amniga, isagoo taageero siinayay ciidamada Soomaaliyeed, gaar ahaan Danab, iyo sidoo kale fulinayay hawlgallo ka dhan ah Al-Shabaab.
Dib u cusbooneysiinta qandaraaska la sheegay iyo qorshaha saraakiisha Maraykanka ay ugu laabanayaan Balidoogle ayaa muujin kara in Washington ay sii waddo taageerada dhinaca tababarka iyo awood-dhisidda ciidamada Soomaaliya.
Waxaa sidoo kale la sheegay in Maraykanka uu kordhiyay muddada taageerada howlgalka AUSSOM iyo UNSOS, taas oo qayb ka ah dadaallada lagu sii taageerayo howlaha amniga Soomaaliya iyo ciidamada Midowga Afrika ee dalka ka howlgala.



